U bood dhigaalka

Xasan Yabarow Wiish “Isbadal Guud Ayaan Ku Samaynaynaa Garsooka Kubbadda Cagta ”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyahay gudiga garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Yabarow Wiish ayaa sheegay in uu is badal iyo dib habeyn uu ku sameyn doono waxaada garsoorka Xiriirka Kubbadda Cagta.

“Tani iyo markii la ii magacaabay jagadan waxaan kordhinay horomarinta aqoonta garsooryaasha, welina waxaan ku jirnaa dib u habeynta heerarka kala duwa  ee garsoorayaasha kubbadda cagta Dalka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Garsoorka Soomaaliya mudane Xasan Yabarw Wiish.

Xasan Yabarow Wiish ayaa horay u ahaa garsoore heer caalami oo dhinaca kubbadda cagta,isagoo ka mid ahaa garsoorayaasha ugu firfircoonaa ee ka soo muuqday tartaamda qaarada Africa wuxuuna Soomaaliya u soo hooyay guulo waaweyn intii uu ahaa.

“Meel wanaagsan ayaan ka gaaray xirfada garsoorka Africa,balse iminka gabi ahaan waan ka fariistay sababtoo ah  waxaan doorbiday in aan juhdi ku bixino in ay soo baxaan dhallinyaro badan oo badala ” ayuu guddoomiye Wiish ugu waramay Goobjoog Sports.

Wuxuu sheegay in waxaada garsoorka ay iminka ku howlan yihiin aqoonta kordhinta iyo horomarinta garsoorayaasha Maamul Goboleedyada,isagoo hadalkiisa intaa ku daray in ay safar shaqo ku tagi doonaan dhamaana Maamulada Dalka.

“Ka hor iyo inta aan iminka ahay guddoomiyaha garsoorka Soomaaliya waxaan xiirir wanaagsan la lee yahay dhallinyarada garsoorayaasha ee jooga Maamul Goboleedyada, waxaana badankooda u balanqaaday in ay helaan fursadaha iyo waxyaalaha ay u baahan yihiin”  ayuu Goobjoog Sports u sheegay guddoomiye guddiga garsoorka kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Yabarow Wiish.

Garsooryaasha heerka caalami ee Soomaaliya ayaa lagu tirayaa kuwa ugu wanaagsan ee kasoo muuqada ciyaaraha Qaarada Africa waxaana sanadihii lasoo dhaafay kordhayay tirada u gudbaysa heerarka caalamiga.

“Garsoorkeena way ka tilmaaman yihiin kuwa kale ee Qaarada, taasina waxay ku timid da’daalka ay sameeyeen dhallinyarada ku jirta xirfadan, yoolkeena mustaqbalka dhaw waa in aan helnaa garsoorayaal kala duwan oo jooga Dalka gudihiisa iyo dibada in ay kasoo muuqdaan caalamka”ayuu gudoomiye Xasan Wiish u sheegay Goobjoog Sports.

Si kastaba bishii Febraayo 2019 ayaa xilka guddoomiyaha garsoorka loo magacabay Xasan Yabarow Wiish,isagoo dhinaca kala ah guddoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir.

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog Siiyay Guuddoomiye Wiish

https://www.facebook.com/GoobjoogNewsTV/videos/714087352692051/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle