U bood dhigaalka

Xasan Yaroow Oo Loo doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo lagu doortay kursiga shanaad ee kuraasta Aqalka sare Jubbaland ay ku leedahay.

Kursigan ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kale ah Cabdi Xuseen Cali iyo Xasan Daahir Yaroow.

Xasan Daahir Yaroow ayaa helay codad gaaraya illa 59 cod taas oo uu kaga guuleystay Musharax Cabdi Xuseen cali.

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay natiijada Kursiga shanaad oo uu ku guuleystay Xasana Daahir Yaroow.

Goobjoog News