U bood dhigaalka

Xasuuq Lagu Dilay 200 Qof Ka Badan oo Ka Dhacay Itoobiya

Sheeko:Amniga

Rabshado isir ku saleysan oo ka dhacay galbeedka dalka Itoobiya ayaa lagu soo waramaya in ay ku dhinteen in kabadan 250 qof, kuwaas oo ku sugnaa dalka Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rabsahadahaan oo isirka ku saleysan ay sababeen in xabaasha la dhigo dad fara badan oo dega galbeedka Itoobiya.

Tirada dadka dhimashada loo diiwaangeliyay ayaana la filayaa in saacadaha soo socda ay sii kororti, xilli weli rabshadda ay taagan tahay, dadka la dilay ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Axmaarada.

Dilka dadkaan ayaa la sheegay in ay gaysteen koox falaago ah oo ka soo jeedda gobalka Oromia, dilka ayaana ka dhacay tuullooyin kaabiga ku haayo degmada Gimbi ee gobalka Oromia.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Itoobiya, ayaa ku eedeysan dilka dadkaas in ay ka dambeeyen koox fallaago, oo aanan dowladda shaqo ku lahayn.

Weerarkii ugu horeeyay ee dadkaan lagu dilay ayaa dhacay waaberigii hore ee sabtidii todobaadkaan, waxaana xigay weeraro kale oo dadka lagu dilay.

Dhinaca kale Koox u dooda xuquuqda dadka Amxaarada ayaa tirada dhimashada ku sheegtay 378 qof, waxayna sheegtay in la xaqiijiyay magacyada 176 ka mid ah dadkaasi.

Itoobiya ayaa wajahaysa xaalad adag tan iyo markii uu dagaal u dhaxeeyo ciidamada Itoobiya iyo qowmiyadda Tigrayga uu bilawday November sanadkii 2020.

Goobjoog News