U bood dhigaalka

Xasuuqii Nucluer-ka Hiroshima oo Maanta Laga Xusay Jabaan

Sheeko:Dalka

Dalka Jabaan waxaa maanta laga xusay sanadguuradii 70-naad ee kasoo wareegatay markii Mareykanka uu Magaaladaasi Hiroshima ku dhuftay Bam-ka Necluer-ka.

Maanta oo kale 1945-tii, Waxaa magaalada  Hiroshima lagu garaacay Bam Nucluer ah, Bam-kaas waa kii koobaad ee lagu dhufto dalkaas oo maalmo kadib mid kale lagu dhuftay.

Ugu yaaraan 70 kun oo qof ayaa durbadiiba ku dhimatay weerarkaasi, halka tira intaa la mid ah ay markii dambe u dhinteen shucaaca sunta ah ee ka dhashay bamkaasi.

Magaalada Heroshima waxaa ku dhintgay in ka badan 140,000 oo ruux, dalka Jabaan waxaa uu sheegayaa in ay kasoo kabteen lakin dadkii ka badbaaday dhacdadaas waxaa ay sheegayaan in ay taariikh madow aheyd,

Sidee Wax u dhacee? Xasuuqii Hiroshima iyo Nagasaki:

Ciidamada Mareykanka ayaa Atomic Bomb oo Nucleir ah ku riday magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan Maalinimo Isniin ah   6-iyo 9-kii Augosto 1945-tii, labada Bam waxaa lakala dhihi jiray: Little Boy iyo Fat Man waxaa ku nafwaayey in ka badan 120.000 iyo Tiro aad u badan oo ku waxyeelowday Shucaaca Nucleirka, Todobaad kadib Bamkaas Japan waa is dhiibtay, dagaalkii labaad ee Dunida sidaas ayuu kusoo gaba-gaboobay.