U bood dhigaalka

Xawaaladaha Soomaalida Ee Kenya Oo Si Rasmi Ah u Shaqo Bilaabay

Sheeko:Dalka

Waxaa si rasmi ah u shaqo bilaabay xawaaladihii Soomaalida ee dalka Kenya ka dib ku dhawaad Laba bil oo ay u xirnaayeen dowladda Kenya.

Habeenkii xalay ahaa ayaa 13 xawaalad oo ay leeyihiin Soomaalida si caadi ah u shaqo bilaabeen, iyaga oo sheegay in habeenkii xitaa ay shacabka u adeegayaan maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Guddi ay leeyihiin Xawaaladleyda Soomaaliyeed ayaa saxaafadda u sheegay in shacabka meel walba oo ay joogaan ogaadaan in xawaaladaha shaqeynayaan, islamarkaana wax walba oo lacag ah u diri karaan ehladooda Kenya ku sugan.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la fasaxay xawaaladihii ka dib markii lagu waayay eedeymihii keenay in la xiro.

Mudadii ay xirnaayeen Xawaaladaha Soomaaliyeed ee dalka Kenya waxa ay dhibaato adag soo wajahday muwaadiniintii Soomaaliyeed ee lacagaha loogu soo dirayay xawaaladahaasi.

Goobjoog News