U bood dhigaalka

Xeebta Liido Iyo Taalada Daljirka Daahsoon Ee Muqdisho Oo Mashquul Ah

Sheeko:Dalka

Iyadoo loo dabaal degayo maalinta Labaad ee Ciidul Adxaa, ayaa hadana waxaa mashquul aad u badan laga dareemayaa goobaha loo damaashaad tago ee magaalada Muqdisho.

Labada meel ee ugu weyn magaalada, shacabkuna isugu tagaan ayaa kala ah Xeebta Liido iyo sidoo kale Taallada Daljirka Daahsoon.

Xeebta Liido

Waxaa la arkayaa shacab aad u badan, oo kusii qulqulaya Xeebta Liido, kuwaasi oo rag iyo Dumar, Caruur iyo Ciroolle isugu jira.

Dadkani waxaa laga dareemayaa farxad aad u ballaran, sidoo kalena waxaa aad u mashquul ah Hoteelada iyo sidoo kale maqaayadaha ku yaalla Xeebta Liido.

Daljirka Daahsoon

Rag iyo Haween badan, qaarkoodna gacmaha wada caruur aad u yaryar misane si qurux badan loogu soo labisay ayaa ku sugan Taalada Daljirka Daahsoon, halkaasi oo ah meel dalxiis, islamarkaana aad u qurux badan.

Dadka qaar ayaa goobtaasi isaga qaadaya Sawirro xusuus ah, iyadoo halkaasi shalay iyo maanta ay usoo dalxiis tageen dad gaaraya Kumanaan ruux.

Liido Daljirka2

Daljii

Goobjoog News