U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka: Doodda Badda Halkan Ayaa Lagu Furayaa, Maxkamaddan Ayaana Xal Ka Gaari Doonta

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Goobjoog News u waramay isagoo jooga magaalada Hague, Xeer ilaaliyaha waxaa uu sheegayaa in maalinta bari ah ay Soomaaliya dacwadeeda hordhigi doonto maxkamadda cadaaladda adduunka.

“Waxaa 100% hubnaa in maxkamadda ay furi doonto Dacwadda, oo warkeenna la maqli doono” sidaa waxaa sheegay Dr. Axmed Cali Daahir.

Xeer Ilaaliyaha qaranka waxaa hadal micno la’aan ah ku tilmaamay dacwada Kenya ee ku saabsan in Maxkamadda aaney furin dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay xiriirro la sameysay dad Soomaali ah oo goobta ku sugan, dhammaan dadkaas waxaa ay sheegeen in Kenya doodeeda ay ka muuqatay cabsi iyo isaaminaad la’aan.

Kenya oo maanta ka hor hadashay ayaa ku dooday in dacwada aan Hague lagu xallin ee labada dal ay si gaar ah uga wada hadlaan.

Goobjoog News