U bood dhigaalka

Xeer Ilaalinta Puntland Oo Shaacisay Tirada Kiisaska Kufsiga Saddexdii Bil Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa maanta sheegtay in Saddexdii bil ee lasoo dhaafay sanadkaan uu deegaannada maamulkaasi ka dhacay 18 kiis oo kufsi ah.

Siihayaha Xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland, Maxammed Xareed Faarax oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay tacaddiyada kufsi ee Saddexdii bil ee lasoo dhaafay ka dhacay Afar gobol oo kamid ah sagaalka gobol ee maamulka Puntland.

Xareed ayaa sheegay in Xeer-ilaalintu ay xafiisyo ku leedahay Afarta gobol ee kala ah Nugaal, Mudug, Karkaar iyo Bari, sidaasi darteedna ay xogta sugan ee tacaddiyada kufsiga ka heleen Afartaasi gobol oo Saddexdii bilood ee sanadkaan ay ka dhaceen 18 kiis oo kufsi ah.

“Warbnixintii ugu dambeysay ee Afartaasi xafiis, kufsigii dhacay Saddexdii bil ee lasoo dhaafay ayaa ahaa 18 kiis”

Dhanka kale, Xareed ayaa sheegay in dhibta ugu weyn ee sii badiyey kufsiga yahay nidaamka dhaqanka ee waxgaradku ku xaliyaan kiisaska kufsiga, wuxuuna ka digey in aan aqbali doonin odoy dhaqameed ka daba yimaada cid loo xirey arrin kufsi ku saabsan.

Goobjoog News