U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka: Badda Soomaaliya ma ahan wax gor gortan laga geli karo

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa maanta ka digay sheegashada qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Waxa uu xusay in ay dacwad u gudbiyeen beesha caalamka taasi oo ku aadan dowladda Kenya oo lagu eedeynayo in ay sheegatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in arinta badda Soomaaliya ay mudantahay in laga hadlo, dowladda Kenyana aan looga hari doonin in badda Sooamaali ay sheegato iyada oo adeegsaneysa shirkado ajnabi ah.

“Kenya waxay sheeganeysaa baddeena, marka waa in aan ka muujinaa mowqifkeena ku aadan arimaha badda, teeda kale badda Soomaaliya ma ahan wax gor gortan laga geli karo, sida aad ogtihiin dowladdu si weyn ayay arrimahaasi uga dhiidhisay” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in dowladdu ay arrinta badda la tiigsaneyso sharciga caalamiga ah, waxaana uu mudanayaasha baarlamaanka ka codsaday in ay gacan ka geystaan arrintan oo ay xukuumaddu ku caawiyaan sharuucda xagga badda ah.

“Sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumadda Soomaaliya ay uga dhiidhiyeen ayaan rabnaa in Baarlamaanka dhankooda oo aan ka codsaneyno sidii ay horeyba u joojiyeen qaddiyadda badda markii ugu xumeyd in ay hadda gacan ka geystaan oo ay nagu taageeraan wixii sharuuc ah ee loo baahdo” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay xeer ilaaliyaha guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal dacwad ah u gudbisay maxkamada caalamiga ee cadaalada (ICJ) kaas oo ay ku eedeyneyso Kenya in ay ku xad gudbeyso badda Soomaaliya.