U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo beeniyay in la gato maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa waxba kama jiraan ku sheegay wararka ah in maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha oo wareysi dhinacyo badan taabanaaya siiyay Idaacadda Goobjoog ayaa ka hadlay arimahaan iyo arima kale oo ku aadan shaqada garsoorka iyo baarista.

Waxa uu marka hore sheegay in shaqada garsoorka ay aad u dhib badan tahay, islamarkaana markii ay u kala gar qaadaan dad is hasyta, waxaana sidoo kale uu tilmaamay in ay la kulmaan aflagaado, sida hadii wax la xukmiyo in dhinaca xukunka ku dhacay ay sheegaan in laaluush la qaatay ama wax la mid ah.

Maruu ka jawaabaayay su’aal uu wariyaheena Axmed Weli weydiiyay, ahaydna waxa ka jirta in xabsiga lagu kala gato maxaabiista iyo arimo ayuu waxba kama jiraan ku sheegay taasi.

“Xabsiga cid lagu kala gato aniga ma ogi, mana dhacdo, eedaha in dadka lasoo qabto oo la xiro barista intii ay ku jiraan lasii daayo wax laga qaato, eedeha noocaasi baarita weeye ma ahan xabsiga, hay’adahaan laftigooda 80% waa waxba kama jiraan, laakiinse wey dhici kartaa in ay jiraan laakiin ma badno waana wax yar, hal mar wax lama sixi karo, sidii aan ku sixi lahayn waan wadnaa, shalay waxaan shir lahayn dhamaan hay’adha quseeya dambi baarista, 15-ka maalinba mar ayaan kulannaa si loo saxo wixii qalad ah” ayuu yiri xeer ilaaliyaha

Eedaha yimaada ayuu sheegay badi inay ka yimaadaan dhinaca garta laga helay markii dacwad ay timaado, wuxuuna sheegay in aanay waxba u arag waxyaabaha dadka qaar ay ku hadaaqaan markii garta laga helo.

Dhanka kale waxaynu wax ka weydiinay shaqooyinkii uu horay usoo qabtay, waxaana uu sheegay in uu soo noqday xafiiska xeer ilaalinta ee Qaranka uu ku xigeen mar ka ahaan, gobalada Bay iyo Bakoolna uu isku soo noqday inta aanay dowladda dhicin, sidoo kalena waxa uu sheegay in gudoomiye ku xigeen uu kasoo noqday maxkamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ugu dambeynna uu gudoomiye uu halkaasi ka noqday.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaynu sidoo kale wax ka su’aalnay hadii ay jiraan caqabado dhanka shaqada ah ee jira gaar ahaan xafiiskiisa.

Waxa uu sheegay in ay iska jiraan caqabado maxaa yeelay dalka ayuu sheegay in bur bur uu kasoo kabanaayo, xafiiska ayuu sheegay in aanu lahayn agab badan sida gaadiid shaqaalo ku filan, iyo arimo kale oo muhiim ah.

Hadaba halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo arimo badan aynu wax ka weydiinnay.

Goobjoog News