U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Mar Kale Ka Digay Musuq Maasuqa Iyo Wax Is Dabamarinta (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daadhir oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn faah fahin ka bixiyay safar uu ku tagay dalka Mareekanka, isaga oo sheegay in uu kulamo halkaasi kula soo qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Soomaalida ku sugan dalka Mareekanka ay aad usoo dhaweeyeen, islamarkaana ay ahaayeen kuwo daneynayey in warbixin ay ka helaan dalkooda, isaga oo tilmaamay in uu ku booriyay dalkooda inay kusoo noqdaan.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhinaca kale diray fariin ku aadan in dadka Soomaaliyeed ay ku tashadaan inay ka baxeen waqtigii sharciga iyo dowlad la’aanta oo hadda la joogo waqtigii loo soo noqon lahaa sharciga iyo kala dambeynta.

Dr Axmed Cali Daahir ayaa dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday halka ay marayaan baaritaanada ay ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaa oo lagu soo eedeeyay wax isdaba marin iyo musuq maasuq.

“Wuu socdaa baaritaanka, qaarkood waa gaba gaboobeyn, waana dhaqaajineynaa Insha Allah wixii dhamaada, wixii kalana waqtiga ay dhamaadaan ayaan la sugaynaa, umadda Soomaaliyeedna wey arki doonaan dadkii musuq maasuqa geystay oo sharciga horjooga, la dagaalanka musuq maasuqa waa mudnaanta Koowaad ee Xafiiska Xeer ilaalinta, meel walba iyo waqti walba ay nagu qaadato, qof walba ha ogaado hadii aan maanta sharciga lagu keenin, maalin maalmaha ka mid ah in laguu horkeeni doono” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in aanu jirin cid sharciga ka weyn qofka uu doono ha ahaato, isaga oo shacabka u sheegay in sharciga hortiisa loo siman yahay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News