U bood dhigaalka

Xeer-Ilaaliyaha Guud oo Tabar Aqoon Kororsi ah Ka Furmay Muqdisho

Sheeko:Amniga
Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa tababar u furay xubno ka kala socda Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaa Hogaanka Baarista Denbiyadda CID iyo Ilaaladda Xeebaha.
Tababarka ayaa ku saabsanaa baarista iyo farsamooyinka la xariira denbiyadda ka dhaca Badda iyo Xeebaha ayey ku qaadan doonaan muddada uu soconayo Tababarka.
Xeer-Ilaaliyaha Guud Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa kula dar daarmay ka qayb-galayaasha tababarkaan in ay ka faa’idaystaan tababarka, sidoo kale waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay ladagaalanka denbiyadda ka dhaca Badda iyo Xeebaha gaar ahaan kaluumaysiga sharci daradda ah, taasoo dalkeena uu ku waayo dhaqaale iyo khayraadkeeda ku jira badaha.
Ugu damayntii xeer-ilaaliyaha ayaa u mahad celiyay dhammaan cidkasta oo ka qayb qaadatay qabashada tabababarka, waxaana uu u rajeeyay in xubnaha la siinayo tababarka ay noqdaan kuwa ka faaiideysa casharada ay qaadan doonaan waqtiga lagu jiro.
Goobjoog New