U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha oo Warbaahinta u Digay iyo SJS oo Cambaareysay, Kuna Sheegtay Hanjabaad

Sheeko:Amniga

Xeer ilaaliyaha guud Suleymaan Maxamed oo khamiistii hadlayey ayaa uga digay warbaahinta Soomaaiyeed wararka kicinta iyo beegsiga ah isaga oo sheegay iney welwel ka qabaan “In maalmahan si qaldan loo isticmaalayo xuriyadahaas, oo la faafinayo, lana baahinayo warar aan sugnaan iyo raad-raac sax ah toona laheyn, kicinayana fidno, kuna xadgudbaya xuriyadaha shakhsiga ah iyo hey’adaha dowladda ee uu ilaaliyey dastuurka Soomaaliyeed, shacabka lagu jahawareeninayo, laguna dhaawacayo qarannimada iyo jiritaanka dowladinimada Soomaaliyeed”.

Suleymaan ayaa intaasi raaciyey iney yaalaan kiisas ay baaris ku wadaan, lagu gudbiyey arrimahaas, oo maxkamad la horgeyn doono marka ay baaristu dhammaato. Xeer ilaaliyihu ma sheegin cidda keentay iyo waxa ay yihiin.

Dhankooda, ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu si adag u cambaareynayaa hanjabadaha cusub ee ka dhanka warbaahinta xorta ah iyo warfidiyeenka Soomaaliyeed, oo ay ku jirto digniinta adeegsiga maxkamadaha ee kasoo yeertay Xeer Ilaaliyaha Guud kahor xilliga doorashooyinka guud.

SJS “10kii Disembar 2020, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho kasoo saaray digniin ku socota warbaahinta isagoo ku eedeeyay “faafinta wararka ku tiri-ku-teenka, wareysiyo iyo cinwaano dadka jihada ka luminaya kuwaasoo baalmarsan Xeerka Saxaafadda iyo Anshaxa Guud ee Saxaafadda”. Xeer Ilaaliyuhu wuxuu ku dhawaaqay in xafiiskiisu baaritaan ku wado warbaahin uusan sheegin, dhowaanna maxkamad la horgeyn doono. Illaa hadda lama oga warbaahinta ama weriyayaasha uu ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Guud.

Goobjoog News