U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka “Hay’adaha Dowladda Aad iyo Aad Ayuu Uga Dhex Jiraa Musuq Maasuqa (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir

Sanad walba maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta la dagaalanka Musuq Maasuqa, waxaana dhaca munaasabado lagu soo bandhigo wadan walba halka uu gaarsiisan yahay heerka uu marayo musuq maasuqa dalkaasi.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka inta badan lagu tilmaamo in uu ka jiro musuq maasuq baahsan, islamarkaana sanad walba uu kasii daro halka uu joogo.

Xeer Ilaaliyaha QarankaDr Axmed Daahir oo u waramay Goobjoog ayaa qiray in dalka uu ka jiro musuq maasuq, islamarkaana Soomaaliya uu ka yahay wax iska caadi ah.

Waxa uu sheegay in isaga uu la dagaalami doono musuq maasuqa, islamarkaana dadka la bari doono shacabka in uu yahay wax xun oo dhibaato umadda u keenaya.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in hay’adaha dowladda uu aad iyo aad uga dhex jiro Musuq maasuqa xafiis walbana uu ka jiro, balse isaga uu marka hore la dagaalanka musuq maasuqa ka bilaabay xafiiskiisa, kuna baahin doono xafiisyada kale ee Hay’adaha dowladda.

“Waxaa jira oo qofna aan ka qarsooneen, anigu ma dhahayo Kaalinta Koowaad ama Labaad ayeey geli kartaa, laakiin waxaa cidna ka qarsooneyn in Korobshanku (Musuq maasuqa) Soomaaliya uu ka yahay wax nolol maalmeedka ka mid ah oo uu runtii noqday wax caadi ah, qofkii yiraahda Musuq ayaan ka hortagayaa lala yaabayo oo lagu leeyahay ninkaan waa waalanyahay, waqtiga lama socdo, xaaladda ma ogo, hebel wuu sameeyee maxaa kan loo haystaa, xitaa waxay maraysaa in dadweynuhu ay aamineen in aysan xaqoodo helyn ilaa ay musuq bixiyaan, iyagoo xitaa xaqooda helaaya, waxaad arkaysaa in ay gaareyn dadweynaha badalkii ay hay’adaha sharciga ka doonan lahaayeen waraqadaha sharciga ee ay rabaan in ay aadaan meelaha faalsada ah, cabdalada shideeye, faldambiyeedada noocaasi iyo madbacadaha inay ku wareegeystaan marka mujtamacii dhan ayuu Musuq maasuqa galay, hay’adaha dowladana anigu waxaan oran karaa Kolley aad iyo aad ayuu uga jiraa musuq maasuqa, xafiis kastana waa ka mid, ee la dagaalanka musuq maasuqana waxay ii tahay muhiimadayda ugu horeysa, sababtoo ah maalintii ugu horeysay ee aan xilkaan qabtay waxaan u sheegay Aduunka, Caalamka iyo Dadweynaha in hiigsigayga ugu horeeya ay tahay in aan xafiiska xeer ilaalinta ka bilaabo, xafiis ahaan in lagala dagaalamo Musuq maasuqa, ka dibna aan u gudbno xafiisyada kale, ee runtii wax badan ayaa xafiiska xeer ilaalinta ka qabsoomay dhanka la dagaalanka Musuqa, dadweynaha iyo cida lasoo macaamishayna wey ka marqaati furi karaan, xafiisyada kalena wacyi gelino u sheegno cidii dambi weyn faraha kula jirto qabano musuqana aan la dagaalanno, intaas oo Kiis runtii aan xadadid lahayn oo arintaan la xiriira ayaa xafiiska yaalo oo aan rabnaa inaan dhaqaajino, runtiina wuu jiraa Korobshinka” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Dr Axmed Daahir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan la dagaalanka Musuq maasuqa si loo soo celiyo sharaftii dalka iyo sidoo kale in meesha laga saaro kaalinta hadda la sheego in Soomaaliya ay ka gashay Wax isdaba marinta ama musuq maasuqa.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqi lahaa in ay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka Musuq maasuqa, musuqa waa waxa na raagidayay, waa waxa wadankeena heerkaan gaarsiiyay, waa waxa sababay in aduunka nagu tilmaamo in kaalinta Koowaad Musuq maasuqa kaga jirno, xafiiska hadda waxa uu u taagan yahay inuu la dagaalamo waxaana rajeynayaa in xafiiska shaqada uu hadda hayo sidaan usii wado in wax un uu ka dhimi karo Musuq maasuqa haba yaraatee” ayuu hadalkiisa raaciyay Xeer ilaaliyaha.

Marka laga hadlayo musuq maasuqa waa arin aad qatar u ah, sidaa darteed waxaan weydiinay Xeer ilaaliyaha waxa noqon kara Musuq maasuq si ay shacabka inta aan aqoon ay ugu baraarugaan.

“Musuq maasuq waa is daba marin, hadaad maqasho eraygaan waa wax loo isticmaalo qaab aan ahayn sidii sharciga uu ugu tala galay, waad ka arkaysaa dhamaan hay’adaheena dowliga ah iyo xafiis kastaa oo jiraa, kana mid ah kuwa dowaliga ah ee Soomaaliyeed in wax isdaba marintaasi ay ka jiro, musuq maasuqa waa wajiyo badan karaa, laakiinse midka ugu xoogan waa hantida dadweynaha leeyahay oo la lunsado, si qalad ahna loo istcimaayo” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Daahir.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Xeer Ilaaliyaha, waxaana la yeelatay Wariyaheena Raaxa Maxamed Maxamuud.

Goobjoog News