U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha qaranka oo digniin u diray hay'adaha dowladda

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir ayaa uga digay hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka dhaqan gelin la’aanta sharciyada uu baarlamaanku ansixiyo islamarkaana uu saxiixo madaxwayne Xasan Sheekh.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay in wixii hadda ka dambeeya sharciga lala tiigsan doono hay’adihii u hogaansami waaya ama dhaqan galin waaya sharciyada la soo saaro.

“Suurta gal ma’aha in sharci waddanka loo soo saaray miis hoostiis la iska dhigo, waa in la dhaqan galiyaa sharcigii wadanka loo soo saaray” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu.

Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii sharci cusub la soo saaro uu meesha ka baxaayo midkii ka horeeyay sidaas darteedna aanan lagu sii shaqeyn karin.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sharci soo saaray labadii sano ee la soo dhaafay, kadib markii ay xukuumaddu u soo gudbisay. Xeer-ilaaliyuhu wuxuu sheegay in dhaqan galinta sharciyadaasi ay waajib tahay.

Shruucdan la sameeyay ee aan wali la dhaqan galin waxaa ka mid ah sharciga adeegga garsoorka oo maray dhammaan heerarkii sharci la sameeyay uu mari lahaa ilaa uu gaaray heer madaxwaynuhu uu saxiixay