U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Sheegay In Aanu Ogeyn Go’aan Ka Yimid Baarlamaanka Oo Isagu Loogu Yeerayo (Dhageyso Wareysi)

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo u Waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in aanu la socon meel ay ugu yeereen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ilaa hadda aanu hay baarlamaan looga yeeray, laakiinse ay ugu yeeri karaan wixii shaqadiisa ah, inkastoo uu tilmaamay in aanu hayn u yeeris rasmi ah.

“Koley aniga qaanuuniyan ilaa hadda mahayo baarlamaan la’iiga yeeray ama wax la iga weydiinayo, taas jawaabteeda ma hayo, welio cid ii yeertay ama baarlamaan mahayo, baarlamaanka sharafta leh wuu ii yeeri karaa, wixii shaqadeyda ah ayeeyna iigu wici karaan” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Dhanka kale Xeer Ilaaliyaha ayeeynu wax ka weydiinay go’aankii dhawaan uu soo saaray ee ahayd in wasiirada Xukuumadii kalsoonida laga laabtay aanay dalka ka bixi karin ilaa inta ay xil wareejin ka sameeynayaan, ayaa tilmaamay in go’aankaasi aanu si gaar ah xafiiskiisa uga soo bixin.

“Go’aanka horta xafiiskayga kama uusan soo bixin, si wadajir ah waxa uu uga soo bxay, xafiiska Hanti dhawrka qaranka iyo Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxa keenayna waa sharcigii oo la dhaqan geliyo, waan ka xumahay dadka qaar inay ku dhawaaqaan iyaga oo sharci dejiyaal ah sharci daro, qodobkaas kaligiis ayaa ku filnaan kara fal dambiyeed, go’aankaasi waxa uu ahaa qaanuunkii oo la dhaqan gelinayo, wasiir ahaaw, wasiir ku xigeen ahaaw, xeer ilaaliye guud, ama ahaaw gudoomiye Maxkamadeed, mas’uul kasta oo mas’uul qaran ah howlna u baxaya waa inuu haystaa ogolaansho hay’adda ka sareeysa, taas waa qaanuun, qaanuunkana hala dhaqan geliyo.” Ayuu hadalkiisa ku daray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir

Sii hayaha xilka wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay maalin kahor magaalada Muqdisho ka sheegtay in mooshin uu ka yaalo baarlamaanka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News