U bood dhigaalka

Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo u Yeeray Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Rooble

Sheeko:Amniga

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray wasiirka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, waxaana qoraalka kasoo baxay lagu amray wasiirka xafiiska xeer-ilaalinta inuu tago maalinta Isniinta ah oo taariikhdu tahay 25-ka April.

Sababta u yeeritaanka ayaa waxaa lagu sheegay in wax looga weydiiyo Heshiiska uu wasiirku naftiisa saxiixay ee dhexmaray, wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda federalka iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited ee laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaana jiray in xafiisyada Farmaajo iyo Rooble iska bari yeeleen.

Goobjoog News