U bood dhigaalka

Xeer ilaaliyaha qaranka: Waa lagama maarmaan in la sameeyo maxkamadda dastuuriga

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahanyahay in ay dhisto maxkamadda dastuuriga ah si ay u xaliso khilaafaadka soo kala dhex gala madaxda dalka.

Dr. Axmed oo u waramayay barnaamijka Xeer iyo Xakun ee ka baxa Goobjoog FM ayaa sheegay maadaama aysan jirin maxkamadda dastuuriga ah in ay iyagu xaliyaan hadii uu khilaaf soo kala dhex galo.

Xeer ilaaliya qaran ayaa dhinaca kale baaq u diray laamaha ammaan isaga oo sheegay in ay ilaaliyaan sharciga.

Mar uu ka hadlayay xabsiga dhexe ayuu tilmaamay in ay wax badan ka qabteen daryeelka maxaabiista inkasta oo uu sheegay in aysan awood u lahayn daboolida baahiyaha ay u qabaan maxaabiista xabsiyada ku jira.

Dr. Daahir ayaa sheegay in kormeero badan ay ku sameeyaan hay’adaha ammaanka goobaha ay ka howl galaan iyo meelaha dadka ku xiraan xiro.

Hoos ka dhageyso codka Dr. Axmed Cali Daahir: