U bood dhigaalka

Xeer Illaaliyaha Dowlada oo Soo Kormeerey Dhuxul Taala Baraawe

Sheeko:Dalka

Xeer Illaaliye Axmed Cali DaahirXeer Illaaliyaha guud ee dowladda Axmed Cali Daahir ayaa shalay kasoo laabtay safar kormeer ah oo uu ku gaaray magaalada Baraawe.

Mudane Axmed oo warbaahinta la hadlay markii uu soo laabtay ayaa sheegey in ay halkaasi tageen kadib markii ay maqleen warar la xiriira in dhuxushii dhoofkeeda la mabnuucey ee Baraawe tiiley si qarsoodi ah loo dhoofinayo, arrintaasi ay kormeer kasoo sameeyeen.

Wuxuu dhanka kale ku wargaliyey ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan in ay ka hortagaan xaalufinta dhirta iyo waliba dhoofka dhuxusha oo uu sheegey in ay tahay mabnuuc.

Wuxuu sheegey in dhuxusha Baraawe taala uu horey amar oga soo saaray madaxweynaha in aanan la dhoofin karin, Qaramada Midoobeyna ay mabnuucdey, sidaasi darteed aysan jiri karin cid ku xad gudubta arrinkaasi.

Goobjoog News