U bood dhigaalka

Xeer Illaaliyaha oo Baarlamaanka Ka Hor Sheegey in 19 Wasaaradood Ay Ku Heleen Wax Is Dabamarin

Sheeko:Dalka

???????????????????????????????Maanta waxaa baarlamaanka hortagay Xeer Illaaliyaha Guud iyo Hanti Dhawrka Guud iyaga oo ka jawaabayay su’aalaha ay xildhibaanada ka weeydiinayeen waraaq ay si wadajir ah u soo saareen todobaad ka hor.

Xeer Illaaliyaha Axmed Daahir oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa kalifey in uu soo saaro warqad wasiirada iyo ku xigeenada looga mabnuucayo in ay dalka dibadiisa u safraan ayuu sheegey in ay sameeyeen baaris, kadibna 19 wasaaradood iyo 3 hey’adood oo la shaqeeya wasaaradda ay ku heleen wax is dabomarin la xiriirta awoodda iyo hantida dowladda.

Hanti Dhawrka Guud Nuur Faarax oo isna ka jawaabayay su’aal ahayd sharciyadda ay u mareen in isaga iyo Xeer Illaaliyaha ay isla saxiixaan warqadda safar ka joojinta wasiiradda iyaga oo ah labo xafiis oo kala madax banaan, ayuu sheegey in ay keentey xaalad degdeg ah oo markaasi jirtey, balse khalad iyo sax midka ay ahaydba uu isagu raaligalin ka bixinayo.

Waxaa maanta kulanka fadhiyey illaa 142 xildhibaan, xildhibaanadii isu diiwaangaliyey su’aalo weeydiintana waxaa mid kasta la siiyey min 3 daqiiqo, iyada oo ay hawsha socotey muddo 90 daqiiqo ah, balse waxa ay sheegeen in ay intaasi ku filneyn.

Waxaa lagu wadaa in maalin kale dib loogu yeero labada mas’uul si su’aalo dheeraad ah loo weeydiiyo.

Goobjoog News