U bood dhigaalka

Xeerkii Saxaafadda Puntland Oo La Ansixiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntand ayaa maanta waxay meel mariyeen xeerka saxaafadda Puntland kaasoo sanadihii la soo dhaafay ay isku  khilaafsanaayeen xildhibaaannada.

Sharciga warbaahinta Puntland ayaa muddo ka taagnaa khilaaf wuxuuna soo maray marxalado kala duwan, iyadoo warbaahinta qudheeda ay dood ka lahayd.

Kulanka maanta lagu ansixiyay xeerka warbaahinta Puntland oo ay joogeen wariyeyaasha ka howlagala degaannada maamulkaasi qaarkood waxaana ka qeyb galay guddiyada kala duwan ee wakiillada Puntland.

Xildhibaanno saxaafadda la hadlay waxay sheegeen in xeerkii la soo gebagebeeyay islamarkaana saxaafaddu ay ka rajaynayaan inay sida uu yahay ugu shaqeeyaan.

Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ansixinta sharciga saxaafadda Puntland uu dhammeyn doono khilaafkii ka dhex jirey maamulka iyo warbaahinta.

Guddoomiyaha ururka saxaafadda Puntland Feysal Khaliif Rooble ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan meelmarinta sharciga saxaafadda Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku kacay xadgudubyo la sheegay in loo geystay saxaafadda waxaana la xasuustaa wasiirkii u dambeeyay ee warfaafinta Maxamuud Xasan Soocadde oo xirxirey  wariyeyaal ka howlgala Puntland.

Goobjoog News