U bood dhigaalka

Xeraale oo lagu qabaty shir looga soo horjeedo heshiiskii maamul u sameynta gobollada dhexe

Sheeko:War

xer2

Maamulka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ee gobollada dhexe ayaa maanta deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ku qabtay shir ay uga soo hor jedaan heshiiskii maamul u sameynta gobollda dhexe ee lagu gaaaray magaalda Muqdisho.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kasocday maamulka Ahlu-sunna iyo madax dhaqameedka deegaanka ayaa lagu mucaariday heshiiskii maamul mideysan u sameynta gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sheekh Cabdiqani Sheekh Yuusuf oo kamid ah hogaanka dhaqanka ee ka qeybgalay shirka ayaa shirqool ku tilmaamay heshiskii muqdisho ka dhacay, waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin qodobbadii ka soo baxay.

Wuxuu sheegay in ay taageersan yihiin in maamul loo sameeyo gobollada dhexe, balse loo baahan yahay in loo maro hannaanka ay isku fahmi karaan dadka degan gobollada dhexe, isla markaana la tixgeliyo fikirka ay bulshadu ka qabto in loo sameeyo maamul mid ah.

Gabagabadii shirka ayaa dhinacyadii ka qeybgalay shirka ayaa madaxda dowladda federaalka ugu baaqay in ay dib u eegaan qodobbadii lagu heshiiyay.