U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday Xilliga Ay Sida Rasmiga ah Ula Wareegayso Maamulka Hawada Sare ee Dalka

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga ay la wareegayso maamulka hawada sare ee dalka, kaas oo ah dabayaaqada October ee soo aaddan.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad oo ka qeybgalay shir u dhexeeyay wasiirrada duulista Afrika iyo Bariga dhexe loogana hadlayay ammaanka dhanka duulista oo ka dhacay dalka Masar, ayaa sheegay in guulo la taaban karo uga soo baxeen shirkaas.

Wasiirka oo la hadlay wakaaladda wararka Sonna ayaa yiri, ayaa carrabka ku dhuftay in dabayaaqada bisha October ay si rasmi ah ula wareegi doonaan duulista hawada:

“Waxaa rajeynaynaa in hawada Soomaaliya marka ugu horreysay laga maamulidoono magaalada Muqdisho,  Duulista hawada marka horeba iyadoo aan aad u dhisneyn ayaa hadana dowladdii bur burtay, marka hadda waxaan u baahannahay, in aanu helno shaqaale tababar fiican leh, markii ay soo laabtaana ay ka qeybqaataan maamulka hawada Soomaaliya, sida aan qorsheynayno dhamaadka bisha October ayaa rajaynaynaa in ay bilaabato arrintaasi, balse way dhici kartaa dib u dhac oo maalmo ah, maadaama qalab badan la rakibayo”.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka 1991-dii waxaa maamulka hawada Soomaaliya gacanta ku haysay hay’adda ICOA, in kastoo la filayo in waqti dhow ay dowladda Soomaaliya lasoo wareegto maamulka guud ee hawada dalka