U bood dhigaalka

Xiddiga kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay u ciyaarista xulkiisa qaranka Morocco

Sheeko:Cayaaraha

Xiddiga kooxda kubadda cagta Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa  ku dhawaaqay inuu joojiyey u ciyaarista xulkiisa qaranka Morocco, isagoo kaliya jira da’da 28-sano.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech ayaa soo jeediyay inuu si wanaagsan uga tagay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii ay isku dhaceen Tababaraha Morocco ee Vahid Halilhodzic.

28-sano jirkaan ayaa u ciyaarin xulka lagu naynaaso The Atlas Lions tan iyo bishii June ee sanadkii hore, waxaana laga saaray xiddigaha xulkiisa ee sanadkan ka qayb galaya koobka qaramada Afrika.

“Kuma soo laaban doono xulka qaranka, kanina waa go’aankeyga ugu dambeeya,” ayuu yiri Ziyech.

“Waxaan diiradda saarayaa waxa aan la sameynayo Kooxdayda.” ayuu ku daray hadalkiisa ciyaaryahanka Kooxda Chelsea.

Tan iyo markii uu wajahay xulalka Ghana iyo Burkina Faso bishii June ee la soo dhaafay Ziyech wuxuu ku lug lahaa ereyo dagaal ah oo uu la galay Tababaraha reer Bosnia ee Halilhodzic oo ku saabsan helitaankiisa inuu guto waajibaadka qarankiisa.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Ajax ayaa seegay dhammaan lixdii kulan ee heerka guruubyada oo uu ciyaaray xulka Morocco kulammada loogu soo baxayo koobka Adduunka, waxaana ay u muuqataa in Macallin Halilhodzic aanu doonayn inuu u yeero Ziyech is-aragga labada lugood ee isreeb-reebka ah oo ay la ciyaarayaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo haddii ay soo adkaadaanna ay boos ka heli doonaan Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar bisha soo socota.

Xulka Morocco oo doonaya inuu mar labaad oo xiriir ah u soo baxdo Koobka Adduunka ayaa lagu garaacay wareegga siddeed dhamaadka Koobka Qaramada Qaaradda Afrika ee lagu soo gabagabeeyey dhowaan dalka Cameroon.

Ziyech ayaa Blues kula maqan magaalada Abu Dhabi, iyadoo kooxda ka dheesha horyaalka Premier League ay isku diyaarinayso kulanka afar dhammaadka koobka kooxaha Adduunka oo ay caawa la ciyaarayaan kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Hilal.

Waxa uu Ziyech ku dhashay dalka Netherlands, waxaana uu metelay da’yarka xulkaasi Holland, laakiin waxa uu doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka Morocco sanadkii 2015-kii.

39 kulan ayuu Ziyech u ciyaaray xulka Waqooyiga Afrika ee Morocco, waxaana uu u dhaliyey 17 gool.

Goobjoog News