U bood dhigaalka

Xiddigii Ugu Fiicnaa Tartanka & Guud Ahaan Abaal-marinnadii La Bixiyey Koobka Qarammada Afrika Ee Xalay Lagu Soo Gabagabeeyey Dalka Cameroon

Sheeko:Cayaaraha

Xulka qaranka Senegal ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay Koobka qarammada qaaradda Afrika ee AFCON 2021 kaddib markii ayguul ka gaareen dhigooda Egypt.

Kulan la isku daalay oo wakhti dheeri ah la aaday ayaa 120 daqiiqo ku dhammaaday barbardhac 0-0 ah, waxaana labada xul lagu kala saaray rigooreyaal, iyadoo 4-2 gool ku laadyo ah ay ku adkaadeen xulka Senegal.

Xulka qaranka Senegal ayaana markoodii ugu horreysay taariikhda loo gacan geliyey Koobka qarammada qaaradda Afrika.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa abaal-marinnada shaqsiga ah ee la bixiyey koobkii qarammada Afrika ee xalay lagu soo gabagabeeyey dalka Cameroon:-

>- Weeraryahanka Kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Senegal ee Sadio Mane ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa tartanka Qarammada Qaaradda Afrika 2021.
>- Goolhayaha Kooxda Chelsea iyo xulka qaranka Senegal ee Edouard Mendy ayaa ku guuleystay abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa Tartanka Qarammada Afrika 2021.
>- Vincent Aboubakar oo Cameroon u safta ayaa isaguna ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu goolasha badnaa Koobka Qarammada Afrika 2021, kaddib markii uu tartanka AFCON sanadkan ka dhaliyey 8-gool.
>- Goolhayaha Keydka ee xulka Egypt ee Mohamed Abou Gabal ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa kulanka final-ka ee Player of the match, kaddib markii uu bandhig cajiib ah sameeyey oo xitaa uu rigoore ka badbaadiyey Mane kulankii xalay.

Goobjoog News