U bood dhigaalka

Xidhibaan Ka Digay In Doorashada Sanadkaan Noqoto Mid Ay Ka Faa’ideystaan Dad Gaar Ah

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Dr.Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya isla markaana wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka inay doorashada soo aaddan ka ilaaliyaan inay noqoto mid ay ka faa’iideystaan dad gaar ah.

“Ugu horreyn wali baarlamaanka guddi ayaa loo saaray gacanta ayayna ku hayaan, doodda ugu dambeysana xildhibaanadu iyagaa ka yeelan doona markii baarlamaanka la keeno, waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa waxay ku kalsoonaanayaan baarlamaanku inuu isku dayi doono in ay noqoto doorashadu mid cadaalad ay ka muuqan karto, inaaney noqon mid qolo gooni ah sida ay iyagu rabaan ay u leexiyaan”

“Qoraalkii xukuumaddu soo bandhigtay waa uu fiicnaa, waxyaabo badan oo  bedel u baahan ayaa jiraaya, waxaan filayaa in Decomentiga baarlamaanku uu noqon doono mid ka sii fiican kii xukuumadda kana dhameystiran”, ayuu hadalkiisa ku daray.

Waxa uu ka waramay in Docomentigani gabi ahaanba aanuu sharci ahayn, hadana dan siyaasadeed uu noqday:

“Madasha naftarkeedaa iney Decomintigan soo qorto dastuurka kasoo horjeedda, horey ayayna uga hadleen xildhibaanadu laakiin hadana dan siyaasadeed bay noqotay, guddoonka baarlamaankaa qeyb ka ahaa, hadana waxa lagu qancinaayay xildhibaanada mar walba, markii la idiin keeno ayaad idinku xaq u leedihiin inaad dastuurka waafajisaan, waana tan ay sugaayeen xildhibaanadu”.

Waxa markiiba ay ishu qabaneysaa; ayuu yiri, waa Aqalka sare dib u dhac inuu ku imaanayo ayaa u muuqata, qodob kaas oo kale qodobada ay doodu ka imaneyso ayuu ka mid yahay, isagoo ku sababeeyay maalmulada qaar oo aan illaa hadda dhismin.

Tan kale, 50 qof ee wax ka dooraneysa xildhibaanka, ayuu sheegay, iney duruufahoodu kala duwan tahay, waxaanuu tusaale u soo qaatay dumarka iyo sida ay suurogal u tahay iney uga qeyb qaataan doorashada, maadaama intooda badan ayba reerahooda u shaqeeyaan isla markaana ay tahay iney ka qeyb qaataan masiirka umadda iyo doorashada soo aaddan.

Xildhibaanku waxa uu ra’yigiisa ku kordhiyay inaan caasimadaha oo kaliya doorashadu ka dhicin laakiin loo baahan yahay in laga sameeyo deegaan kasta oo ammaan ah oo suurogal ay tahay iney doorasho ka dhacdo.

Waxa uu xusay inaan la isku halleyn karin ballan qaadyada beesha caalamka ee  kharashaadka doorashooyinka, waxa uu sheegay in beesha caalamaku, sanadkii 2012-dii kharashaadkii doorashada ay bixin waayeen, taa bedelkeediina ay dowalddu dusha u ridatay oo mushaar 5 bilood ah oo shaqaalaha dowladda lagu kharash gareeyay doorashada, si dalka isbedel uga dhaco.

Xildhibaan Dr.Cabdi Cali waxa uu sheegay in baarlamaanku uu wax ka qabto sidii la isku waafajin lahaa wakhtiga haray ee aadka u yar iyo howlaha doorashada oo aad u ballaaran, mid kastaana ay doonayso in si gooni ah loo wakhtiyeeyo, iyo waliba qodobada dastuurka khilaafsan ee ku jira Decomentiga in la waafajiyo dastuurka si doorashadu ay sharci u noqoto.

Waxa uu sheegay in baarlamaanku uu doorashada ka illaaliyo iney saameyn ku yeelato cid la isdhihi karo way ka faa’iideysan kartaa, maaha in Madaxweynaha loo gacan geliyo, sidaas oo kale wasiirka arrimaha gudaha si doorasho xaq ah oo xalaal ah loo helo.

Waxa uu ka digay in Soomaalida nin kastaa uu rabo iney waxa u dhacaan sida uu isagu doonayo, taasna ay ka dhalan karto dano isdiidan.

Ugu dambeyn, Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Decoment ku saabsan doorashada 2016, kaas oo la filayo iney dastuurka waafajiyaan isla markaana ay ka dhigaan mid sharciyeysan oo doorasho caddaalad iyo hufnaan ah lagu gaari karo.