Xiisad Beeleed Ka Jirta Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degmada Goldogob ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ka taagan tahay xiisad u dhaxeysay Labo beel oo halkaa wada dega.

Xiisaddan ayaa si gaar ah ugu dhaxeysa dad xoolo dhaqato ah, iyadoo xaaladdu ay kasii dartay kadib markii deegaan ku dhow Golodob lagu dilay nin xoolo dhaqato ah.

Is rasaaseyn kooba ayaa dhex martay Maleeshiyaadkan, iyadoo weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Waxgarad ayaa durba bilaabay iney isku dayaan kala dhexgalka beelahan si aanu dagaal kale u dhicin.

Labadan beel ayaa marar badan sidan oo kale ugu dagaallamay halkaasi, iyadoo aanay jirin heshiis rasmi ah oo la kala dhex dhigay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW