U bood dhigaalka

Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Degaanka Xarfo, Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa dad reer miyi ah.

Xiisadda dagaal ayaa salka ku heysta ceel biyood kadib markii biyo la\aan degaanka ka dhacday ay dadku ku dirireen.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in biyo la’aan baahsan oo degaanka Xarfo ka jirta ay keentay dagaalka.

Odayaasha degaanka iyo waxgaradka ayaa wada waanwaan nabadeed oo ay ku doonayaan inay ku kala dhex galaan dadka colaadda ay ka dhex aloosan tahay.

Hal qof ayaa la soo sheegayaa inuu u dhintay xiisaddaasi ka taagan degaanka oo laga baqdin qabo in dilal kale ay ka dhacaan halkaasi.

Degaankani Xarfo oo kamid ah degaannada Puntland waxaa sidoo kale jira degaanno kale oo maamulkaasi ka tirsan oo dadka iyo duunyadu ay u dhimanayaan biyo la’aanta.

Goobjoog News