U bood dhigaalka

Xiisad Colaadeed Oo Saaka Ka Taagan Degaan Ka Tirsan Gobalka Sool

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo gobalka Sool ayaa sheegaya in deegaan lagu magacabo Fiinley oo u dhaxeeyo deeganka Birta dheer iyo degmada Bacoma ay saaka ka jirto xiisad colaadeed.

Deegaankan ayaa shalay waxaa kuwada dagaalamay beelo walaalo ah oo wada dega deegaanka, kuwaas oo la sheegay in ay saaka markale laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco deegaanka.

Maamulka Puntland ayaa dhankooda wado dadaallo ay xal ugu raadinayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda colaadeed ee ka dhex taagan labada beelood ee wada dagan Tuulada Fiinley.

Xaaladda ayaana lagu soo waramaya in ay saaka tahay mid aad u kacsan, dadka qaar ayaana sheegay in laga cabsi qabo in dagaal markale uu ka qarxo deegaanka.

 

Goobjoog News