U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Degmada B/xaawo Ee Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in xiisad dagaal ay ka taagan tahay degmadaasi, taasi oo u dhaxeysa ciidamada maamulka Jubbaland iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo degmadaasi ku sugnaa.

Ciidamo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa tagey degmadaasi, waxaana taasi ay keentay in xiisad halkaasi ay ka dhalato.

Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa degmada Baladxaawo iyo kuwo ilaalo u ahaa Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan  ayaa dibadda uga baxay magaaladaasi.

Goobjoog News ayaa qadka taleefanka kula xiriirtay Xildhibaan mataan si aynu wax uga ogaanno xaaladda jirta iyo sababta ay degmada B/xaawo uga soo baxeen.

Wuxuu sheegay in ciidamada Jubbaland iyo Wasiir Cabdirashiid Janan ay maalin cad kusoo duuleen degmadaasi, balse iyagu ay xakameeyeen in xabad ay dhacdo.

“Nin la yiraahdo Cabdirashiid Janan oo wasiir ku xigeen Jubbaland ah ayaa weerar kusoo qaadya degmada Baladxaawo waliba annaga oo ku sugan, weerarkaasi kadib wax tillaabo ah oo aan qaadnay ma jirto, waxa kaliya oo uu u danlahaa waxay hayd in xabad dhacdo, laakiinse annaga sidaasi ma yeelin, ciidankii ammaanka degmada Baladxaawo sugayey iyo annagaba waxaan joognaa bannaanka degmada” ayuu yiri Xildhibaan Mataan.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland rasaas ay kusoo fureen gaadiid ay iyaga wateen ay khasaare gaarsiisay gaadiid kale oo halkaasi ka dhawaa, iyaguna aanay wax jawaab ah ka bixin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay xildhibaanku  in il gaar ah ay ku hayso waxa ka jira degmada Baladxaawo iyo duulaanka uu sheegay in lagu soo qaaday degmadaasi.

Dhanka kale Goobjoog News ayaa isku dayday inay xiriir la sameyso wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan, hase ahaatee taleefanka waa uu qaban waayey.

Xaaladda degmada Baladxaawo weli waa mid kacsan, waxaana degmada si buuxa uga jirin adeegyadii bulshada, waxayna dadku ka baqayaan dagaallo halkaasi ka dhaca.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News