U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Jirta Magaalada Marka Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose, waxaa shalay iyo maalintii ka horreysayba ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Beelo wada deggan halkaasi, kaasi oo sababay khasaare kala duwan.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay nawaaxiga isbitaalka weyn ee magaalada Marka, iyadoo Labada dhinac rasaas culus isku adeegsadeen.

Saakay ayaa lasoo sheegayaa in weli xaaladda aysan cago badan ku taagneen, inkastoo dhinacyadii dagaallamay la doonayo in la kala dhexgalo.

Shacabkii ugu badnaa ayaa kasoo barakacay xaafadaha lagu dagaallamay, iyadoo weli aanay jirin waan waan muuqata oo lagu kala dhex galay Labadaasi dhinac.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa sheegay in ay is hor fadhiyaan dhinacyadii dagaallamay, sidoo kalena aysan jirin cid u taagan kala qaboojinta dhinacyadaasi.

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay kala dhex gali doonaan dhinacyada ku dagaallamay magaalada Marka, si dadka ay u helaan xasillooni iyo amni buuxa.

Khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalka magaalada Marka weli si rasmi ah looma soo bandhigin, balse waa ay jirtaa dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Goobjoog News