U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaanno Ka Mid Ah Shabellah Hoose

Sheeko:Dalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Deegaanno Ka Mid Ah Shabellah Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo hub uruursi u dhaxeeya beello la sheegay in halkaasi ay wada degan yihiin, iyadoo xiisad dagaal ay jirto.

Deegaannada laga dareemayo xiisadda dagaal ayaa waxaa ka mid ah Wanlaweyn, Buulo-mareer, Kunturwaarey iyo kuwo kale oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose.

Tani ayaa salka ku haysa dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, iyadoo dilkii ugu dambeeyay loo geystay ganacsade caan ka ah gobalkaasi.

Sidoo kale waxaa jiray dagaallo ka dhacay duleedka magaalada Marka, iyadoo waxgaradka ku howlan xalinta dagaalladaan iyo xiisadaha jira ay aad ugu mashquulsan yihiin sidii nabad lagu heli lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed weli wax war ah kama aanay soo saaran dagaalladaan kasoo cusboonaaday gobalka Shabellaha Hoose, xilli beelahaan is haya horay nabad loo kala dhex dhigay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News