U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, taas oo u dhaxeysa beello wada degan gobalkaasi.

Gudaha magaalada Marka ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay dad shacab ah, kuwaasi oo aano qabiil lagu bartilmaameedsaday.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa Goobjoog News, u sheegay in magaalada xaaladdeeda ay tahay mid kacsan, lagana baqayo in la dagaallamo.

Maamulka magaalada Marka ayaan isku daynay inaynu xiriir la sameynno si aan wax badan u ogaanno, hase ahaatee wey inoo suurta geli weysay.

Dhanka kale deegaanno badan oo ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sidaan oo kale waxaa uga taagan dagaallada salka ku haya qabiilka, mana jirto weli xal buuxa oo arrintaasi laga gaaray.

Goobjoog News