U bood dhigaalka

Xiisad Dagaal Oo Laga Soo Sheegayo Deegaanno Ku Dhaw Degmada Diinsoor Ee Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobalka Baay ayaa waxay sheegayaan in duleedka degmadaasi laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Labada dhinac ayaa halkaasi waxay ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, sida uu inoo sheegay qof ku sugan degmada Diinsoor oo sababo amni magaciisa uga gaabsaday.

Habeenkii xalay ahaa ayaa deegaanada xiisaddaan laga dareemayo waxaa la sheegay in uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Labadaasi dhinac, inkastoo aan khasaare lasoo sheegin.

Xaaladda ayaa ah mid dadka cabsi gelisay, waxaana welwelka ugu daran uu hayaa shacabka ku dhaqan halkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News