Xiisad Dagaal Oo Saakay Laga Soo Sheegayo Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in saakay halkaasi ay ka jirto xiisad u dhaxeeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, xilli la wado dedaal Labada dhinac lagu heshiisiinayo.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ciidamada Labada dhinac ay saakay wadaan dhaqdhaqaaqyo ka duwan kuwii hore, iyadoo lasoo sheegayo in xilli walbo halkaasi laga filan karo isku dhacyo.

Waxaa burburay dedaallo nabadeed oo ay wadeen waxgaradka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo shacabkii ku dhaqanaa magaaladaasi ay intooda badan halkaasi isaga barakaceen.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa wada dedaallo lagu daminayo colaadda Gaalkacyo, isaga oo magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe u tagey sidii uu ku xasilin lahaa xiisaddaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW