U bood dhigaalka

Xiisad dhimasho sababtay oo ka dhacday duleedka Burco

Sheeko:War
burco
Burco, Tog-dheer

Labo qof ayaa ku geeriyootay, saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal duleedka Bari Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ku dhex maray Beelo halkaasi wada dega.

Odayaasha Gobolka Togdheer ayaa ku howlan sidii ay u dejin lahayeen xiisadaha halkaasi ka taagan oo sababtay in Qoysaska qaar deegaanadooda ay ka cararaan cabsi ay ka qabaan waxyeelo in ay ka soo gaarana dagaaladan.

Xaalada hada waxaa lagu soo waramayaa in ay degan tahay isla markaana ay socdaan dadaalo lagu hakinayo xiisadahan.

Ma jiro faahfaahin ka soo baxday dhanka maamulka Somaliland oo ku saabsan xiisada ka taagan gobolka Togdheer.