U bood dhigaalka

Xiisad Ka Taagan Magaalada Marka Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Laba Beel oo halkaasi wada degan.

Xiisadaan ayaa salka ku haysa dagaal shalay Dhinacyadaan ku dhexmaray magaaladaasi, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay ka barakaceen, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in la wado dadaal la doonayo in lagu xaliyo xiisadaan.

Inta la hubo dagaalladii shalay ka dhacay halkaasi waxaa ku dhintay ku dhawaad Shan qof oo dhinacyadii dagaallamayay u badan, iyadoo sidoo kale dhaq dhaqaaqii shacabka uu hakad galay.

Beelahaan dagaallamay ayaa ah kuwo maamulka Koonfur Galbeed uu horay heshiis u kala dhex dhigay, hase ahaatee ay dib u bilaabatay xiisadii.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News