U bood dhigaalka

Xiisad Laga Sheegayo Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayeen in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Xiisaddan ayaa si gaar ah waxaa looga dareemayaa Magaalada Badhan iyo deegaanno kale oo ku dhow, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka.

Wasiirka amniga Puntland ayaa ku sugan Badhan, waxaana dhowaan halkaasi gaaray ciidamo la sheegay iney ka goosteen dhanka Somaliland.

Shacabka Badhan ayaa iska diiday Somaliland, waxaana ay sheegeen iney ka tirsan yihiin oo ay hoostagaan Puntland.

Waxaa jirta cabsi ah in mar walbo dagaal uu dhacdo, iyadoo Labada dhinac ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xooggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News