Xiisad u Dhaxeysa Ciidamada Somaliland Iyo Dhallinyaro Hubeysan Oo Laga Soo Sheegayo Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad  dagaal oo u dhaxeysa ciidamo ka tirsan Somaliland iyo dhallinyaro hubeysan oo deegaanka ah.

Dhallinyaradan ayaa is abaabul ka wada xaafadaha Laascaanood, iyaga oo qaab qabiil isku diyaarinaya waxaana ay ka carreysan yihiin sida la sheegay dhallinyaro deegaanka ah oo ciidamada Somaliland ku xireen saldhigga Laascaanood.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in dhallinyarada la xiray lagu eedeeyay falal amniga ka dhan ah, waxayna taasi keentay in dhallintii kale ee deegaanka ay hub uruursi bilaabaan, iyaga oo arrinkaasi kazoo horjeeda.

Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood waxay ka baqayaan in lagu dhex dagaallamo magaaladaasi.

Dhanka kale waxaa Laascaanood ku sugan wasiiro ka tirsan maamulka Somaliland, waxayna halkaasi ka wadeen  nabadeynta beello ku dagaallamay Sool.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply to cialis Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW