U bood dhigaalka

Xiisad u Dhaxeysa Maleeshiyo Beeleed Oo Maanta Ka Taagan Bariga Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Meygaag Budle ee bariga gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa beello wada deggan halkaasi.

Xiisadaan ayaa ka dhalatay Seddax qof oo shalay siyaabo kala duwan loogu dilay deegankaasi, taasi oo keentay in Beelaha wax iska dilay ay abaabul sameeyaan.

Maxamed Axmed Caalim oo ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisadaan ay tahay mid aad sareysa, islamarkaana laga baqayo in la dagaallamo.

“Shalay ayaa nin reer Mii oo Ari ilaalsanaya waxaa lagu dilay deegaanka Meygaag Budle, isla galabtii shalay ayaa Laba kale aano qabiil loo dilay, waxaana maanta jirta xiisad daran oo laga baqayo in gacanta la iskula tago” ayuu yiri Maxamed Axmed Caalim

Ma jirto cid weli kala dhexgashay dhinacyadaan isku hub uruursanaya, iyadoo dadkii shacabka ahaa ay billaabeen in deegaankaasi ay ka barakacaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News