U bood dhigaalka

Xiisadda gobalka: Ciidamada Somaliland oo ka baxay Laascaanood

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay jirto xaalada kacsanaan ah oo laga dareemayo magaalada saaka oo Khamiis ah.

Xalay saqdii dhexe ayaa gudaha magaalada waxaa dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa la baxay SSC, taas oo keentay in markii dambe ay magaalada isaga baxaan ciidamada Somaliland.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen duleedka bare ee magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waxaana halkaas lagu soo waramaya in ay ka sameysteen fariisimo.

Gudaha magaalada ayaa hadda waxaa ka arimayo dadka ka soo jeeda gobalka iyo ciidamada SSC, kuwaas oo sheegay in aayahooda ka tashanayaan.

Xiisadda gobalka Sool iyo Somaliland oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa gacan ka hadal isku badashay dhamaadkii sanadkii hore 2022-ka, kadib markii ay bateen dilka waxgaradka iyo haldoorka gobalka loogu gaysanayo gudaha magaalada Laascaanood, kuwaas oo dadka gobalka ay sheegeen in aan wax jawaab ah aysan ka bixin maamulka Somaliland.

Goobjoog News.