U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: 6 Qodob Ayaa La Hordhigay Qatar

Sheeko:Dalka

Dowladda Sacuudiga iyo dowladaha Carbeed oo horay xiriiirka ugu jaray dowladda Qatar ayaa hadda waxay ka soo dabceen go’aankoodii iyaga oo markii hore Qatar hor dhigay saddex iyo toban sharuudood kuwaasi oo ku sheegen in haddi ay fuliso ay la heshiinayaan.

Diblomaasiin u kala dhashay Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo masar ayaa wariyaasha waxay ugu sheegeen xarunta qaramada midoobay in dowladahaan ay hadda Qatar ay ka doonayaan in ay fuliso 6 qodob oo waaweyn.

Lixdaan qodob ayaa waxaa ka mida la dagaalanka argigixisad iyo xagjirka iyo in Qatar ay joojiso kicinta iyo boorinta xagjirnimada.

Ilaa iyo hadda Qatar kama ay san jawaabin warka ka soo baxay dowladahaan iyada oo markii hore iska fogeysay in ay taageerto argigixisada.

Qatar ayaa horay ugu gacan seertay dalab ay u soo gudbiyeen dowladaha xiriirka u jaray waxayna dalabkaas ku tilmaantay Dooxa in uu meel ka dhac ku yahay madaxbanaanideeda iyo qaranimadeeda.