U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Djibouti oo Eritrea Ku Eedeysay Qabsashada Dhul ay Baxeen Ciidanka Qatar

Sheeko:Dalka

Xiisadda ka dhalatay go’doominta Sacuudiga ee dalka Qatar waxaa ay  soo  gaartay qaaradda Afrika sida  khilaafkan cusub ee  Djibouti iyo Eritrea.

Wasaaradda arrimaha dibadda Djibouti ayaa sheegtay in ciidamo Eritrea ka socda ay  qabsadeen dhulka lagu muransanyahay ee  ay  ka baxeen ciidamada Qatar.

Djibouti waxaa ay  soo  qaadatay in ciidamada Qatar ay  ka baxeey dhulka u dhaxeeya labada dal 12-13kii bishan, isla  maalmahaasina lagu arkey Eritrea oo la wareegtay buurta iyo Jaziiradda Dameerey oo Ku taalo xaska labada dal Ku muransan yihiin.

Dhinaca Eritrea weli kama soo bixin wax war ah, waxaana sida muuqata bilowday dhibaato labada dal, waxaa sidoo kale ka hadlay qaramada midoobey

Goobjoog News.