U bood dhigaalka

Xiisadda Khaliijka: Pakistaan Oo Dhex-dhexaadin Ka Dhex Bilaabeysa Sacuudiga iyo Qatar

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Pakistaan Nawaz Sharif ayaa lagu wadaa in uu Khaliijka ka bilaabo dhex-dhexaadinta Qatar iyo dalalka xiriirka u jaray.

Nawaz Sharif iyo wafdigiisa waxaa ay ku hormari doonaan dalka Sacuudiga, waxaana lagu wadaa in uu boqor Salmaan kala hadlo sidii loo dejin lahaa xiisadda, loona wada hadli lahaa.

Pakistaan waa dalkii labaad ee isku day sameeya tan markii 4ta dal ee Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar xiriirka u jareen dalka Qatar.

Todobaadkii hor, waxaa magaalada Riyadh soo booqday amiirka Kuawit isaga oo ku guuldareystay in uu galo wada hadalsiinta labada dhinac.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani ayaa gaaray magaalada London, waa lugtii ugu horeysay booqasho uu ku tagayo Paris, Parlin, Brussels iyo Moscow, isaga oo dalalkaasi ka dhaadhicin doona sida Sacuudiga iyo xulafadiisa u go’doomiyeen.

Wararka soo kordha kala soco, Goobjoog News