U bood dhigaalka

Xiisadda Ukrain:-Ballanqaadka Maraykanka-Nato ee taageerada Kiev Oo keentay in Ruushka Ujihaysto Shiinaha.

Sheeko:Amniga

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken oo khadka taleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa ku celiyay mowqifka adag ee Washington ee ku aaddan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Ukraine, halka xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg uu caddeeyay in isbaheysiga uu Kiev siinayo taageero labada heer ah waa diplomaasiyadda iyo militariga.

Wadahadalka uu la yeeshay Lavrov, mr Blinken wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimada ay arinka Ukrain u leedahay dhabbaha diblomaasiyada.

Tani waxay ku soo beegantay xilli xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka uu isu diyaarinayo socdaal uu ku tagi doono caasimadaha Yurub ee Kiev iyo Berlin.

Sida uu qorshuhu yahay mr Blinken waxa uu Arbacada Kiev kula kulmi doona madaxweynaha ukrain Volodymyr Zelensky iyo wasiirka arrimaha dibadda Dmytro Kuleba, “si uu ugu xaqiijiyo sugnaanta mawqifka Mareykanka ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Ukraine.”

Maalinta xigta, Blinken wuxuu qorsheynayaa inuu tago Jarmalka “si uu ugala hadlo dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo Ruushka.

Ruushka ayaa tobanaan kun oo ciidamo soo tubay meel u dhow xadka Ukraine, wuxuuna dalbaday in dalka ay deriska kayihiin koonfurta aan loo ogolaanin inay ku biiro NATO, iyadoo ay sii dheer tahay in aanu wax hub ah oo weerar ah lageynin Ukrain iyo xitaa dalalka deriska la ah.

Dhankiisa, ra’iisul wasaaraha Jarmalka ayaa ku baaqay in khilaafaadka looga gudbo wadahadal iyo sharuucda caalamiga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Annalina Birbock ayaa wadahadal la yeelatay dhiggeeda Ruushka, Sergei Lavrov, ka dib booqasho middaas la mid ah oo ay ku tagtay Kiev.

Wadahadalka labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay horumarada xaaladda Ukraine, dammaanad qaadka amniga ee Ruushka uu ka codsanayo reer galbeedka, iyo sidoo kale arrimaha tamarta.

Kremlinku waxa uu umuuqda inuu ujihaystay wadatashiyo uulayeesho xulufadiisa si qayb uga noqdaan qodobada gorgortanka uu kala galayo Nato.
afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay Talaadadii in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu katalo gelindoono dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping wadahadalada Moscow ay la yeelan doonto NATO, marka uu u socdaalo Beijing bisha Febraayo.

Putin ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo xafladda furitaanka ciyaaraha Olombikada Jiilaalka ee ka dhacaya magaalada Beijing 4-ta bisha Febraayo.

Isku soo dhawaanshiyaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa kor u kacay iyada oo labadooduba ay la kulmeen cadaadis isa soo taraya oo kaga imaanayay reer galbeedka oo ku qotoma dhaqdhaqaaqa milatariga Ruushku ka sameeynayo meel xadka Ukraine, dagaalka ganacsiga ee shiinaha iyo maraykana iyo arimaha xuquuqul insaanka ee Shiinaha.