U bood dhigaalka

Xikmadda Bisha Ramadaan Iyo Faa’idooyinkeeda

Sheeko:War

QEYBTA 1AAD, Bisha barakeysan ee Ramadaan waa bisha Allah sw uu ku wajibiyay bulshooyinka muslimiinka in ey gutaan waajibaadka, afxirashada ama soomida loo yaqaano, waa hab-cibaadeed ka kooban qeybo badan oo kala duwan isla markaana leh xikmad u gaar ah.

Inta aanan u gudbin xikmada Ramadaanka inta Alle inaga fahamsiiyo bal eynu si guud u eegno sida uu Allah sw u qaabeeyay Ramadaanka.

Ramadaanka afxirashadiisu waa tiirka 3aad ee tiirarka diinta islaamka waana mid ka mid ah astaamaha ama shacaa’irta ugu waaweyn ee islaamka, Allah sw waxa uu ku yiri suuratul baqara Aayada 183aad“kuwa iimaanka laga helayoow waxa la idinku waajibiyay afxirashada Ramadaanka sida loogu waajibiyay dadyowgii idinka horeeyay, waxaa xaqiiqo ah inaad dhowrsanaan doontaan”.

Aayadu waxa ey is dultaagtay dhowr qodob oo ahmiyad gaar ah inoo leh bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda oo isku xiran marka aad u fiirsato waxaaa kuu soo ifbaxaya ahmiyada iyo iney lagama maarmaan tahay in la isku xiro bilowga iyo dhamaadka Aayada marka la dhaqan gelinayo, hadii aan jilciyo, Allah sw waxa uu bilowga Aayada inoo sheegay isaga oo u dhawaaqaya dadka iimaanka laga helay in uu nugu waajibiyay afxirashada(soomida) bisha barakeysan ee Ramadaan, kadib waxa uu raaciyay in afxirashadu eysan inaga nugu koobneyn oo dadyowgii horaba sidaan oo kale loogu waajibiyay, hase ahaatee ila eeg walalka muslimka ohow, waxa halkani ka soo baxaya su’aal uu qofku is weydiin karo oo ah .. ilaahoow maxaad afxirashada inoogu waajibisay? Ama muxuu yahay hadafka ka dambeeya ineynu afxirano, soonno?s u’aashani waxa uu Alle uga jawaabay Dhamaadka Aayada isaga oo leh “waxaad mudantihiin ama xaqiiqo ah inaad Alle ka cabsataan( dhowrsanaataan)” weedha Alle adeegsaday iyo ficilka carbeed ee uu adeegsaday labadaba waxa ey ina  siinayaan aragti fog iyo faham qoto dheer oo ku saabsan xikmada Alle u jideeyay(u waajibiyay) afxirashada bisha rammadaaanka.

Erayga (Al-taqwa)oo ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee lugu garto  dadka xiriirka dhow la leh Alloohooda, ayuu Alle u adeegsaday inuu yahay hadafka ka dambeeya afxirashada Ramadaanka, waa arin ugub ah aadna ahmiyad gaar ah inoogu leh, culimada muslimiintu siyaabo kala duwan ayey u fasiraan erayga (Al-taqwa) marka loo eego siyaabooyinka kala duwan ee uu Alle uga hadlay Quraanka, hasa ahaatee waxa su’aal taagan ah,waa maxay taqwo? waa maxaay astaamaha qofka ku sifooba taqwada? Taqwadu waa mowluuc guda balaaran oo aanan halkani lugu falanqeyn Karin hase ahaatee wexeynu eegi doonaa inta kala xiriirta afxirashada iyo soomidda bisha Ramadaanka. Marka aan si guud u eegno taqwada la xiriirta Ramadaanka waxaa kuu soo baxaya in taqwadu qeyb ka tahay isu dhawaashaha adoonka iyo rabigiisa, dib u habeynta iyo boor ka jafida xiriirka u dhexeeya Alle iyo adoomadiisa muslimiinta ah, taas oo la macno ah hadba qof kasta inta uu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay Allihiisa isaga oo qaadanaya talooyinkiisa ku aadan gudashada waajiaadka iyo habdhaqanada wanaagsan, sidoo kale isaga oo qaadanaya waanada Allihiisa, waa marka uu ka fogaanayo waxyaabaha aan ku habooneyn ee ey ka soo gaari karto dhibaato aduun iyo mid aakhiro, waa marka uu u dhawyahay Alle sw.

Intaa marka aan isla fahano su’aal aad is weydiineyso ayaa ah, side bey isugu xiranyihiin bilowga Aayada iyo dhamaadkeeda? ama, waa maxay xiriirka ka dhexeeya afxirashada Ramadaanka iyo hagaajinta xiriirka Alle?.

Marka aan yara bidhaamiyo waxaa jira faham khaldan oo eynu in badan ka aaminsanahay waajibaadka Alle inagu waajibiyo inaga oo aanan helin sharaxaad nugu filan tusaale ahaan marka aad u fiirsato Ramadaanka iyo bulshooyinka muslimiinta ah inbadan oo kamid ah, Ramadaanku waxa uu u muuqdaa sida dhaqan ama caado oo kale, taas oo ey dadku joogteeyaan iyada oo aan la garaneynin xikmada ama sirta ka dambeysa, taasi waxa ey keentay in ey yaraato saameynta Ramadaanku inagu leeyahay marka loo eego dhaqan ahaan, hase ahaatee si kasta oo ey tahay waxa lagama maarmaan ah ineynu fahano xikmada ka dambeysa Ramadaanka iyo xiriirka ka dhexeeya hagaajinta xiriirka Alle iyo soomida bisha Ramadaan. 

QEYBTA 2AAD 

SOOMIDA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE

Waxaa lagama marmaan ah ineynu fahano xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya afxirashada bisha Ramadaan iyo hagaajinta iyo qurxinta xiriirka kaala dhexeeya Allahaga ku uumay,  sababtoo ah Allah sw waxa uu sabab uga dhigay afxirashada Ramadaanka in ey inoo horseedi doonto hagaajinta xiriirka aad Alle la leedahay, sidaa darteed ka mira dhalinta ama xaqiijinta gudashada waajibka soonka waxa uu ku xiranyahay hadba inta uu hagaagsanaado xiriirka aad la leedahay Alle sw, tani waxa ey la macno tahay hadii uusan hagaagsaneyn xiriirka aad Alle la leedahay, tusale ahaan inuu yaryahay isku xirnaanta dhexdiina ah sida inta jeer ee aad aqrido Quraankiisa si aad ula sheekeysato Allah sw, iyo inta jeer ee aad Allah amaanto inta jeer ee aad booqato gurigiisa si aad Allah u xusto una amaanto waa marka ey yartahay inta jeer ee aad qaadato waanadiisa ku aadan fulinta iyo dhaqan-gelinta talooyinka ku anfacaya aduun iyo aakhiro iyo sidoo kale qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa xumaha, munkarka iyo wax walbo oo aan kugu habooneyn.isku soo wada duuboo wax walbo oo wax u dhimi-kara habsami u socodka xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga sw waa inaad ka fogaataa.

Marka uusan hagaagsaneyn xiriirka kaala dhexeeya Allahaaga wexey la macno tahay ma aadan gudanin waajibkii Alle ku saaray ugama aadan soo bixin sidii lagaa doonayay, sababtoo ah waxaa liita xiriirka Alle kaala dhexeeya, Ramaadankana waxaa loogu talo galay sida ku xusan Aayada inuu noqdo mid hagaajiya oo boorka ka jafa xiriirka kaala dhexeeya Allah sw, walalka muslimka ohow waxaa halkaa kaaga soo muuqanaya Ramadaanku in uusan ku koobneyn cunada iyo biyaha oo laga afxirto oo qura,Ramadaanku waxa uu  xambaarsanyahay fursado Alle ugu talo galay in muslimiintu dib ugu hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya khaaliqooda sw. waa inaad ogsoonaataa markasta oo uu hagaagsanaado xiriirka kaala dhexeya Allah sw waa markasta oo aad xaqiijisay gudashada waajibka Alle waana markasta oo lagaa aqbalo afxirashadaada iyo soomidaada bisha barakeysan, taa bedelkeeda markasta oo aadan dareemin is bedel dhanka hagaagsanaanta ah oo ku yimaada xiriirka aad la leheed Allah sw ama uu kordho sii xumaashada xiriirka aad Alle la leedahay waxaad ogaataa waa markasta oo afxirashadaadu eysan leheyn wax macno ah, waana marka ey u badantahay in aan lagaa aqbalin sidaa darted waxaa ka sugan Nabigeena muxamad nnkh inuu yiri “ qofkii aan ka tegin hadalada iyo falalka aan habooney ma jirto wax baahi ah oo uu Alle ka leeyahay inuu ka tago cunnadiisa iyo cabitaankiisa”  waa marka aad diido qaadashada waanada Alle ee kaa reebeysa waxyaabaha aan kugu habooneyn waa marka aad fududeysato waanada Alle adiga oo raacaya hawadaada iyo talada shayaadiinta. Markale ogsoonoow waa in aad ku baraarugsantahay,Ramadaanka soomidiisa iyo aqbalaadiisu waxa ey ku xiranytahay hadba inta uu hagaagsanaado xiriirka kaala dhexeeya Allah sw

FURSADAHA RAMADAANKA IYO HAGAAJINTA XIRIIRKA ALLE

Sida eynu kor ku soo xusnay Taqwada ama rabi ka cabsigu ama dhowrsanaantu waxa ey qaadataa dhowr macno oo kala duwan hase ahaatee hadii eynu soo koobno waxa ey isugu imaaneysaahagaajinta xiriirka  aad la leedahay rabigaaga, xiriirka aad la leedahay rabigaaga waxa uu noqdaa labo qeyboo dhaqan-gelinta amarada Alle iyo ka fogaashada waxyaabaha uu Alle kaa reebay lkn hadii eynu si kale u dhigno luqada, xiriirku waxa uu ku dhisanyahay 3 qeybood, tan koobaad, qaadashada talo bixinta Alleee la xariirta dhamaan waxyaabaha kugu haboon ee lagaa doonayo inaad dhaqan geliso si aad u hesho liibaan aduun iyo mid aakharo  Tan labaad: qaadashada waanada Alleee la xariirta ka waansamida iyo ka fogaashada dhamaan waxyaabaha uu Alle kaa reebay ee aan kugu habooneyn isla markaana kuu horseedi kara dhibaato aduun iyo mid aakharo. Tan 3aad: bulaaleynta iyo hagaajinta xiriirka kaala dhexeeya Alle swsida ku xirnaashadaada, booqashada guriga Alle, iyo aqrinta iyo ku camal falka fariimaha Alle.

Waxa eynu is weydiineynaa, sidee ayuu Ramadaanku inoogu noqon karaa fursad eynu ku hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay?

Si guud nolosheenu waa mid ka sameysan kadeed iyo howlo aduun oo aan dhamaad leheyn,nolosheenu waa mid ku dhisan imtixaan aan kala go’ leheyn oo siyaabo kala duwan noo soo wajaha maalin walbo, sidoo kale dunidu ma aha goob lugu negaado oo waa ku meel gaar inta eynu uga rawaxeyno daarta aakhiro, hase ahaatee marka eynu nahay bulsho muslimiin ah oo ku baraarugsan imtixaanka dunida isla markaana u hanqaltaageysa ka faa’iideysiga waqtiga yar ee eynu noolnahay.si aan u hagaajino xiriirka aan Alle la leenahay kaas oo inoo suurtagelin doono inaan qiyaamaha ku naaloono farxad iyo damaashaad, waa marka aan marti u noqono Allah swoo shalay eynu dunida ku leheyn xiriir wanaagsan oo qurux badan.

Hadaba marka eynu fahano ahmiyada hagajinta xiriirka aan Alle la leenahay waxaa caqabad inugu noqon-doono nolosha iyo gadgadoonkeeda iyo daruufaha casriyada la socdo, waxaa laga yaabaa in daruufo iyo mashaakil nololeed  oo nala soo gudboonaada ey mararka qaar sababaan wiiqida xiriirka aan Alle la leenahay iyada oo laga yaabo in aan ka mashquulno aqrinta Quraanka, booqashada guriga Alle, xusida iyo amaanta Alle iyo gudashada waajibaadkiisa, sidaa darteed waqti ka waqti wexeynu u baahanahay inaan dib isu soo haabano oo eynu dib u hagaajinno xiriirka aan la leenahay Alle sw, arintani waxa ey ka dhigantahay nuqsaanta iyo siyaadada iimaanka sida culimada muslimiintu falanqeeyaan, iimaanku waxa uu ku siyaadaa daacada Alle waxa uuna ku nusqaamaa macaasida iyo amardiidada Alle.

Waxaa jira fursado badan oo uu Alle siiyo umada muslimiinta ah si ey dib ugu hagaajiyaan xiriirka ey la leeyihiin Allohooda, fursadahaasi waxaa ka mid ah bisha barakeysan ee Ramadaanka si guud.

QEYBTA 3AAD

RAMADAANKU WAA BISHA QURAANKA

Quraanku waxa uu soo degay bisha Ramadaanka sida uu Alle ku qeexay Aayadaha 185 ee suurada Al-baqara, Aayada 3 ee suurada Al-dukhaniyo aayada 1aad ee suurada Al-qadri. Ramadaanku waxa uu fursad inoo siinayaa in aan dib u habeyno xiriirka  aan la leenahay Alle sw inaga oo booqaneeyna waqtina ku qaadaneyna (ku ictikaafeyna ama ku negaaneyna) guriga Alle sw sida uu Alle ku tilmaamay Aayada 187aadee suurada Al-baqara. Waxaan waqti fiican la qaadan doonnaa Quraanka inaga oo aqrineyna kuna bogaadsaneyna dhadhanka suuban ee nafsada u roon iyo micaha gudo balaaran ee uu xambaarsanyahay, waxa ey ka dhigantahay inaga oo dhegeysaneyna ilaahey hadalkiisa ama aqrineyna fariinta uu Alle inoo soo diray weliba inaga oo joogna Allah gurigiisa, waa boqorka boqorada waa abuuraha koonka balaaran ee eynu aragno waa naxariistaha cadaalada badan, tol beelaye masjidka yaan la iigaga hormarin aan dhurto dhadhanka suuban, aan dhegeysto Quraanka qalbiga u roon aan dareemo farxad iyo reynreyn, marba hadii aan gurigiiAlle joogo oo aan si fudud u aqrisanayo fariimihiisa ama aan dhegeysanayo mid kamid ah qurraa’da quraanka isaga oo ku aqrinaya fariinta Alle cod dhegaha u roon,Alla nasiib badaniyaa!!!! Alla nasiib badanaa qofkii fursadaa hela!!!

Jawiga farxada, kalsoonida iyo reynreyntu ku dheehantahay ee guriga ilaahey, waxaa ii sii dheer balanqaadyada, bishaarooyinka,barakada, iyo naxariista, is daba socdo ee aan ka dhex helayo fariimaha Alle sw waa Quraankee,

Quraanku waa fariin xaga Alle inooga timid oo qoraal ah, waana wadada kaliya ee aan ku hagaajin karno xiriirka inoo dhexeeya anaga iyo Alleheena sababtoo ah Alle sw markii uu Aadam iyo caruurtiisa ka soo ceyriyay Janada ee ey ku soo hoobteen dhulka,Alle sw waxa uu kula –taliyay aadam caruurtiisa in hadii ey u yimaadaan fariin wadayaal ama rusul ka qisoonaaya Allah sw Aayadihiisa ama xambaarsan hanuunka Alle cidii raacda in eysan lumi doonin kana badbaadi doonto kadeed aduun iyo mid aakharo intaba.

Hadaba si eynu u hagaajino xiriirka Alle waxaa lagama maarmaan ah ineynu si qoto dheer u aqrino fariinta inooga timid xaga Alle, si eynu isu dul taagno qaababka aan Allah ku wada xariiri karno, annaga oo qaadan doonno talooyinka iyo waanada Alle eek u xusan Quraanka kariimka.

Sidaa awgeed bisha Ramadaanku waxa ey fursad inoo siineysaa ineynu furno kitaabkaAlle kadibna si degan u aqrino si aan u hagaajinno xiriirka aan Alle la leenahay, inkasta oo aqrinta iyo ku camal-falka Quraanku ku koobneyn bisha Ramadaan oo kaliya hadana bishani waxa ey na siineysaa fursad dahabi ah sababto ah waxaa xiran shayaadiinta baadiyeeya dadka

HAGAAJINTA NAFSADA IYO LEYLINTEEDA

Cibaadada eynu gudano bisha Ramadaanka waxaa ka mid ah afxirashada ama soomida oo qeyb ka ah bisha Ramadaan, qof kasta oo muslim ah waa in uu ka soomaa cunnada, cabitaanka, iyo la gogol-wadaaga lamaanihiisa, laga bilaabo marka uu dhasho fajarka (waaga subaxeed) ilaa gabalku ka dhacayo. Afxirashadu waxa ey tilmaan u tahay dhowr waxyaabood, waa marka koobaade in qofka muslimka ahi ajiibo(isu dhiibo) rabigiiisa, oo uu qaato amarkiisa isaga oo tixgelinaya oo weyneynaya, waa marka uu cunada iyo cabitaanka uu ka tago isaga oo weyneynaya(qadarinaya) rabigiisa. Ahmiyada labaad ee ku jirta afxirashada ama soomida ayaa ah in qofka muslimka ahi qaadanayo tababar Nafsadeed oo lugu hagaajinayo habdhaqanka iyo suluuga nafsada, sida aan ognahay Nafsada iyo rabitaanka shaqsiyadeed (Hawada) waa labada ugu dhibka badan ee Aadanaha ka hor istaaga maslaxadihiisa aduun iyo aakhiro, waxa laga yaabaa qofku inuu la qabsado waxyaabaha lugu raaxeysto ee xalaasha ah sanadka intiisa kale isla markaana  ey sabab ugu noqoto inuu qofku ku fogaado waxyaabaha xaaraamta ka ah, Allah sw isaga oo inoo naxariisanaya waxa uu ina siiyay fursad eynu dib ugu hanan karno hogaanka nolosheena inaga oo Nafsada cadaadis ku saareyna u hogaansanaanta maslaxadeena, waxaa marag ma doonto ah in qofka muslimka ah ee si dhab ah u sooma bisha Ramadaanka uu ka xakameysnaan doono xumaha, munkaraadka, iyo macaasida, sababtoo ah, marba hadii uu ka tegay cuntada iyo cabitaanka isaga oo ku qadarinaya rabigiisa waxaan suurto-gal u noqon doonin inuu sameeyo waxyaabo uusan rabbi raali ka aheyn.

Nafsadu waxa ey ku tababarataa cibaadada nuucyadeeda kala duwan sida, salaadaha, tahajudka, sadaqa bixinta, aqrinta iyo ku macaansiga Quraanka, usama-falka muslimiinta, ku boorinta samaha iyo dhamaan waxwalbo oo Allah raali-geliya.

Nafsadu waxa ey ku tababarataa sidoo kale ka joogsiga xumaha iyo munkaraatka, nuuc kasta oo ey yihiin sida, beenta, khiyaanada, macaasida iyo waxyaabaha aan sharciga ku banaaneyn marka ey bishu dhamaato qofka muslimka ah waxa uu soo baxaa isaga oo ka istaagay ama ka sii fogaaday waxwalbo oo wax udhimaya xiriirka ka dhexeeya asiga iyo rabigiisa, sidoo kale waxa ey bishu dhamaataa isaga oo aad ugu sii dhawaaday rabigiisa isla markaana hagaajiyay xiriirka uu la leeyahay Alle sw. 

QEYBTA 4AAD

LEYLATUL QADRIGA IYO FURSADA KU JIRTA

Bisha Ramadaan waxaa ku jira habeen loogu magic-daray (Leylatul-Qadri) suurada 97aad eeAlqadri,Alla waxa uu ku furfurtay habeenka qadriga isaga oo leh“Annaga ayaa soo dejinay Quraanka habeenka leylatul-qadriga(habeenka sharafta leh”,durbadiiba Alla waxa uu soo rogay su’aal weydiin isaga oo leh, hooyaay “miyaad taqaanaa habeenka qadriga” su’aasha kadib waxa uu horay ka raaciyay jawaabta, waxa uuna yiri. “Habeenka qadriga waa habeen ka kheyr badan, faa’iido iyo miro dhal badan kun bilood, waxaa habeenkaa soo daadega malaa’igta iyo ruuxda(malakul-jibriil) iyaga oo ku dheehan fasaxa Alle dhinac walbo, habeenkaasi wa mid nabad-gelyo iyo baraaro leh ilaa uu waaga subaxeed ka bidhaamayo”.Allah sw waxa uu tilmaamay in uu habeenka qadriga uu yahay mid ka kheyr badan kun bilood, taas oo la macno ah hadii aad habeenkaa ku dadaasho cibaadada waxa aad la mid tahay qof kun bilood iyo in ka badan cibaadeystay,  sida uu Alle yiri isaga oo adeegsaday erayga (kheyrun) oo ah waa mid ka miro dhal badan kun bilood, hadaba eynu eegno xikmada ku jirta in habeenka qadrigu yahay mid ka kheyr badanyahay kun bilood.

Sida aan ogsoonnahay dunidu waa goob loogu talo galay in Aadanaha lugu jaribo(imtixaano) si loo eego hadii uu camal wanaagsan la imaanayo iyo hadii uu rabitaankiisa shaqsiyadeed (hawadiisa) iyo nafadiisa raacayo, Alle sw waxa uu Aadanaha siiyay garasho iyo faham waxa uuna u kala bidhaamiyay wadada saxda ah iyo tan qaloocan si Aadanahu u helo fursad uu ku guuleysan karo waa hadii uu wadada saxda ah doortee, Allah sw waxa uu adoomadiisa u balan qaaday Jano balaceedu yahay sida samooyinka iyo dhulka taas oo laga helo waxwalbo oo Nafsada bini’aadamku jeceshahay waase hadii aad ku guuleysato imtixaanka dunida.

Sida ku cad Quraanka iyo sunnada Nabigeena nnkh,Janada waa mid leh darajooyin(heerar) kala duwan, waxa uuna Alle ku booriyay Adoomdiisa in ey u tartamaan qeybaha sare ee Janada. Allah sw mar uu ka sheekeeyay Janada iyo barwaaqada ka dhex buuxda waxa uu ku soo gebagebeeyaya, “midkaas ha u tartameen kuwa tartamaya” waa Aayada 26 ee suurada Al-Mutafifin.

waxa inoo soo muuqanaya fursad lagu tartami karo si loo helo Janada daareheeda qeybaha ugu sareeya uguna sharafta iyo barwaaqada badan, hase ahaatee marka loo eego umada Nabi Muxamad nnkh, taas oo da’ ahaan aad uga hooseysa umadihii horo,ma heli doonto waqtiga fiican ee ey umadihii horo qaateen si ey ula yimaadaan cibaado farabadan oo buuxisa miizaankooda, marka aan is weydiino da’deena oo yar darted side Ayaan u heli karnaa Janada qeybeheeda ugu sareeya?ooside baan ula tartami kareynaa umadihii innaga cumriga dheeraa? waxaa jiro fursado badan oo eynu ka faa’iideysan karno si eynu u guuleysano. Fursadahaasi waxaa ka mid ah ka miradhalinta habeenka qadriga iyo nooleyntiisa, eynu eegno habeenkaani qadarka uu la egyahay,

Habeenka qadriga waxa uu ka kheyr badan yahay kun bilood, eynu falanqeyno inaga oo is barbar dhig ku sameyneyna habeenka qadriga iyo kun bilood cibaadada lala yimaado

1000  BIL = 82 SANO

Celcelis ahaan da’da umada Nabi muxammad scw waa 60 ilaa 70 sano, marka laga jaro waqtiga caruurnimada iyo weliba dhalinyaranimada waxa ey noqoneysaa 70-20 = 50 sano.

Marka aad 50 sano ku dhifato 83 sano oo u dhiganta habeenka qadriga ah ee soo noqnoqota bisha Ramadaan waxa ey la mid noqoneysaa 50*83= 4,150 Afar kun boqol iyo konton  sanadood!!!!!

Marka aad 50 sano ku qaadato cibaado adiga oo ka faaiideysanaya habeenka leylatul qadriga ah waxaad la mid tahay qof qaatay nolosha 4,150 sano oo cibaado ah taas oo lagu daray 50ka sano ee aad nooshahay wadartoodu waxa ey noqoneysaa 4,200 Afar kun iyo labo boqol oo sano. Hadaba u fiirso walalka muslimka ohoow faa’iidada ku sugan habeenka leylatul qadriga oo la cibaadeysto waxa aad fursad u heli doontaa ka guul gaarida iyo hanashada daaraha sare ee Janada adiga oo baasi doona dadyowgii hore oo lugu sheegay in ey ahaayeen dad ku raaga nolosha oo waqtiyo fog nool, tusaale ahaan qowmkii NabiNuux nnkh waxaa la sheegaa in ey noolaan jireen waqtiyo dhaadheer sida ku cad Quraanka, suurada Cankabuut Aayada 14aad oo tilmaameysa in nabu Nuux uu dacwada diinta ka dhex faafinayay tolkiisa mudo kun sano ah marka laga reebo 50 sano.

KALA FOGAASHAHA INNAGA IYO RAMADAANKA

Sida aan horay ku soo sheegnay Ramadaanku waxa uu noqday caado dhaqameed oo kale, dadku Wey u dabaal degaan oo soo dhaweeyaan hadana ma jirto saameyn muuqata oo uu Ramadaanku ku yeesho dadka, ma jirto is bedel muuqda oo la soo gudboonaada bulshooyinka muslimiinta ah, ma jirto la qabsi cibaado sida Sadaqada, Salaatul-leylka iyo Quraan aqris la sii joogteeyo, ma jirto xumo laga haro oo dadku waxa ey sii ahaadaan sidii ey ahaayeen bisha Ramadaan kahor, waxa ey sii joogteeyaan xumahii ey sameyn jireen. Marka aad u fiirsato waxa aad is weydiin mudan, Tolow Ramadaanku muxuu dadka u kordhiyay muxuusa ka bedelay?.

TALO GUUD

  • Walalka muslimka ohoow ka faa’iideyso bisha Ramadaan oo ha iloobin fursadaha dahabiga ah ee ku jira si aad ugu guuleysto raali-ahaanshaha Alle sw iyo Janada barwaaqada badan
  • Ka dhigo Ramadaanka jaranjarada hagaajinta xiriirka aad la leedahay rabigaaga
  • Ha noqdo Ramadaanku bisha aad joojiso dhamaan waxyaabaha aan kugu habooneyn sida xumaha macaasida iyo munkaraadka
  • Ha noqdo Ramadaanku bisha aad Nafsadaada ku dhex leyliso oo aad siiso tababar aad ku xakameyneyso kuna bareyso qaabka Alle dartii loogu baahnaado adiga oo fariin u sii diraya in aad ka afxiran doonto dhamaan waxwalbo oo Allaha awooda leh ka careysiiya
  • Ha noqdo Ramadaanku bisha aad ku tashato bisha aad la timaado cibaadada Alle, bisha aad kordhisato ajarka iyo xasanaadka
  • Ha noqdo Ramadaanku bisha aad barato xanuunka baahida iyo haraadka si aad Nafsadaada u barto ka warqabka iyo u damqashada dadka masaakiinta ah ee tabaaleysan ee mar walba baahan ama haraadsan
  • Ha noqdo Ramadaanku bisha aad fahanto fariinta Alle, oo aad aqriso una eegto si qoto dheer( tadaburto) 

W/Q: SAID AHMED WEHLIYE

Waxaan Alle ka baryeeynaa inuu innaga aqbalo cibaadada dhamaan oo uu inoogu bishaareeyo Janada barwaaqada badan ee firdowsa

WASAAMULLAAHI CALAA JAMIICIL MUSLIMIIN

Emailkan Qoraallada Ku Doo Dir: [email protected]