U bood dhigaalka

Xil. Afaraale: Dowladda ayaa qaadaysa masuuliyada dadkii ku dhintay dibad bixii Baydhabo

Sheeko:Dalka
Maxamed Xuseen Afaraale
Maxamed Xuseen Afaraale

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa sheegay in masuuliyada khasaarihii ka dhashay dibad bax shalay ka dhacay Baydhabo ay qaadayaan xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaladaasi.

Iyada oo dibadbax ballaaran oo khasaare geystay uu shalay ka dhacay Baydhabo ayaa xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool wuxuu sheegay in masuuliyaddaasi ay qaadayaan xubno gaar ah oo Baydhabo jooga.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in wax laga weydiinayo wasiir xigeenka amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Afaraale ayaa wasiir xigeenka ku eedeeyay in uu isaga bixiyay amarka lagu laayay dadkii cabirayay fikirkooda ee dibad baxa sameynayay.

ciidamo ka tirsan dowladda ayaa rasaas ooda kaga qaaday dadkii mudaaharaadka sameeyay, taas oo dhalisay dhimashada labo qof iyo dhaawaca qaar kale sida uu sheegay xildhibaanka.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale: