U bood dhigaalka

Xildhibaan Cabdirashiid “Abaartii Ugu Darneyd Muddo 40 sanno ah ayaa Ku Dhufatay Degaannada Sool, Sanaag iyo Togdheer”

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Cabdirashiid C/llaahi Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in deegaanada Sool, Sanaag iyo Togdheer ay ku dhufatay abaartii ugu darneyd muddo 40 sanno ah.

Xildhibaa Cabdirashiid oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa xusay in xildhibaanno 5 ah oo uu ku jiro, kana mid ah Baarlamaanka Federaalka ah,  deegaan ahaanna kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, ay kormeer shaqo ah ku marayeen Sool, iyo Sanaag iyo Togdheer qeybo ka mid ah, muddo hadda laba wiig ah ayey socdaal ku jireen dhul aad u farabadanna wey tageen iyagoo lug ku maray dhul lagu qiyaasay illaa 800 KM, Sool iyo Sanaag bari iyo Nugaal seddexdaa gobolba abaartu aad ayay ugu badan tahay ayuu yiri.

Waxaan marnay ayuu hadalkiisa ku daray “Nugaal oo ay abaartu ku badan tahay, waxaanu tagnay Boocame, tunkarraq, Buuro-wadal, Holhol, Taleex, Carrooley, Godaalo, dhamaan deegaanadaas oo dhan baan tagney waa deegaanno aan muddo dheer roob helin, waxaan dareenay Culeys”.

Dhulka dooxada Nugaaleed la yiraahdo ee abaartu ka jirto, dhinaca daaqa muddo Roob ma helin, daaqa ayaa aad u yaraa, xooluhuna waxay bilaabayeen iney fariistaan macluul darteed; sida Geela iyo Ariga  deegaanadaas abaarta waa laga dareemayay, ayuu sheegay xildhibaanku.

waxa uu hadalkiisa ku daray “Aad iyo aad waxaan u dareemeynay iney dadku jilceen dunyaduna ay jilicday, haddana xilli roobaadku bisha April iyo May ayuu ku beegan yahay sidii Illaahay looga bartay, abaartu  meelba meesha ay bari ka xigto ayey ka daran tahay”.

“Abaartu waxay ugu badan tahay Gobolka Sanaag , khaasatan koofurta gobolka Sanaag iyo barigiisa, waana degmooyinka Badhan, Dahar, laas-qorey, Shingalool, koofurta Sanaagna waa Sicifuliye, Awrgoobeys, Kulaal, Ardaa, Masagan, waana meelaha aadka u daran 5 xilli roobaad ayaaney waxba helin, muddo 40 sanno ahna lama arag iney  sidan oo kale dhacdo” ayuu yiri xildhibaan Cabdirashiid.

Mar uu ka hadlayay hadii ay jirto cid abaarta u dhimatay oo ay arkeen ayuu yiri “Cid  u dhimatay abaarta illaa hadda nalooma sheegin, laakiin xooluhu waxay bilaabeen iney fariistaan, dadkiina illaa hadda cid u gurmatay ma jirto, waxaaney kuu sheegayaan Illaahay ayuunbaa noo maqan”.

waxa uu xildhibaanku carrabka ku dhuftay in abaarta ay dadka u sii dheer tahay colaad; “Sool iyo Sanaag colaado maxalli ah oo maamulada hareeraha ah ayaa inta badan saameyn ku yeeshay, tuuladii ay ciidamo yimaaddaanna dadkii wey ka qaxayaan oo sistamkii noloshii iyo ganacsigii iyo qaab dhismeedkii meeshuba ay is bedeleysaa, waana arrin u baahan in Siyaasiyan loo xalliyo”.

Xildhibaanadan socdaalka ku kala bixiyay gobolada Sool, Sanaag, iyo qeybo ka katirsan Togdheer ayaa kala ah ; Cabdillaahi Xasan Rooble, Yusuf Maxamed Cali, Maxamed Xirsi Ducaale, Maxamed Xaaji Cabdi Yare iyo Xildhibaan Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, ulajeedada safar kooda ayaa ahaa u kuur galka xaaladda nololeed ee degaanadaas ay kasoo jeedaan, iyagoo warbixin kula soo laaban doona baarlamaanka federaalka ah ugana xaal warrami doona wixii ay ku soo arkeen degaanada ay tageen.

Goobjoog News