Xil.Dalxa: Waa tallaabo wanaagsan hadii la yareeyo safaaradaha Soomaaliya ee dibadaha

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaliyaa ayaa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday ku tilmaamay hadalkii ka soo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee ahaa in la dhimayo safaaradaha ay Soomaliya ku leedahay caalamka.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan baarlamaanka qeybna ka ah Guddiga arrimaha dibedda ayaa Goobjoog FM u sheegay inuu aad u soo dhaweynayo hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaliya, kaas oo isagu shaaciyey in 31 safaaradood lagu soo koobayo safaaradaha Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.

Dalxa waxa uu sheegay in qorshahan cusub uu wax badan ka badali doono xaaladihii hore, islamarkaana ay safaaradahaan noqon doonaan kuwa tayo iyo awoodba u leh inay xaliyaan dhibaatooyinka soo food saara soomalida wadama dibada ku nool.

Waxa uu soo hadal qaaday xildhibaan Dalxa in soomaali badan ay xabsiyada dalal shisheeye ku xir xiran yihiin, iyaga oo u baahan in la garab istaago, taas oo uu sheegay inay sahlanaan doonto wax u qabashada dadkaas hadii uu go’aankaan hir galo.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW