U bood dhigaalka

Xil.Dhalxa: Madaxda dowladda ayaa masuul ka ah dhibaatada ka dhalata federaalka

Sheeko:War
dalxa
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in madaxda ugu sareyso Dalka ay qaadayaan Masuuliyadda Dhibaatooyinka ka yimaada Hirgalinta Nidaamka Federaalka ah ee Dalka.

Xildhibaanka oo la hadlayay GoobJoog FM ayaa tilmaamay in madaxda Dalka meshii ay isku dayi lahaayeen in ay qanciyaan shacabka Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen Qancinta Shaqsiyaad gaar ah oo sida uu sheegay ay uga baqayaan Carqaladeynta xilalka ay Dalka ka hayaan.

Xildhibaan Dhalxa oo si gaar ah uga hadlay xaaladda Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka dega Gobalkaasi xaaladda sidan hadii ay ku sii socoto in aysan raacin Maamullada isku haya taa badalkeedana ay qaataan go’aan ay iyagu iskugu tashanayaan.

Mudanahan ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa cod dheer ku sheeegay in shacabka Soomaaliyeed ay hor taallo howl adag oo ku saabsan sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda, iyagoo muhimad gaar ah siinaya sidii nabad ay ugu wada noolaan lahaayeen.